Erdogan & Afrika.! Waxa Qoray: Eng Samaale Mo Somali

0
Friday October 22, 2021 - 09:08:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Erdogan & Afrika.! Waxa Qoray: Eng Samaale Mo Somali

    'Ugu danbayntii Afrika ayaa hada ah aag ay tartan ba'an ugu jiraan dalal badani,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

'Ugu danbayntii Afrika ayaa hada ah aag ay tartan ba'an ugu jiraan dalal badani,"

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa soo gabagabeeyay maalintii Arbacadii 4 maalmood oo uu safar ku marayey qaarad Afrika gaar ahaan saddexdan Dal ee Angola, Togo iyo Nigeria, Angola Waxay u ahayd booqashada Erdogan midhihii ugu horreeyay ee uu ka goosto dalkaas waayo dhawaan ayey markii Diyaaraddaha Turkish Airlines ay duulimaadyo toosa ka bilabeen caasimadda Dalka Angola ee Luanda. Dhanka kalena Dalka Turkiga aya heshiisyo badan oo wada muhiima hore ula saxiixday dalalka Togo iyo Nigeria.



Waqtigan la jooga tirada Dalalka Afrika ee uu booqday Madaxweyne Erdogan intuu xilka hayey ayaa gadhaaya 30 Dal kana waa safarkisii 14 ee uu Erdogan ee uu ku tago qaarada Afrika tan iyo sanadkii 2002-dii.

Dalka Faransiiska ayaa ka mida dalalka sida aadka ah u dhibsaday socdaalka Madaxweyne Erdogan ee Qaarada Afrika,


Warbaahinta Faransiiska ayaa guud ahaanba si dhow Isha ugu haysay socdaalka Erdogan iyaga si liidata wax uga qorayey socdaalkiisa Africa.


Tusaale ahaan Wargayska Le Monde oo ka mid ah Wargeysyada ugu waaweyn Faransiiska ayaa faallo uu ka bixiyey Socdaalka Erdogan wuxuu yidhii " Safarada halista badan leh ee uu madaxweynaha Turkiga ku marayo Qaaradda Afrika Waxay samaayn ku leeyihiin amnigeena guud." Faransiisku hada waxa uu dareemaya  baqdin badan waayo Afrika waxa uu u arkaa beertiisa gaarka ah waxayna aad uga xunyihiin xidhiidhka sii kordhaya ee uu Turkigu la samaynaayo Dalalka Afrika.


Saxaafada Faransiiska oo mar kale Faallo ka bixinaysa badeecadaha Turkigu u dhoofiyo dalalka Qaaradda Africa waxay tidhi " Badeecadaha Turkigu Africa geeyo way ka qiimo hoseyaan Badeecadaha Reer Yurub, waxana xattaa ka tayo fiican Badeecadaha Shiinaha."


Qorshahan Turkiga ee ku wajahan Qaarada Madow wuxuu Mid ka mid ah waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee ku jiray Ajando siyaasaddedkii arrimaha dibadda Turkiga ee la dajiyey sannadkii 1998kii.


Hirgelinta dhabta ah ee Qorsho siyaasaddedkaasina waxay bilaabantay sanadkii 2005 markii uu Turkigu ku dhawaaqay barnaamijkisii "Sannadkii Afrika”. Ka dibna uu bilowday xidhiidhka Turkigu la yeelanaayo Africa.


Waqtigan la joogo Mugga ganacsiga uu Turkigu la leeyahay Qaaradda Africa ayaa kordhay shan jibaar muddo 20 sano ah,


Halka tirada safaaradaha Turkiga uu ku leeyahay Afrika ay ahaayeen 12 safaaradood sannadkii 2002, Maanta ay gadhayaan 43 safaaradood, Mugga ganacsiga labada dhinac ayaa dhawaan kor u dhaafay $ 25.3 bilyan halka uu ahaa $ 5.4 bilyan sanadkii 2003.


Maalgashiga tooska ah ee uuTurkigu ka samaynayo Qaarada Afrika wuxuu gadhay hada wax ka badan 6 bilyan oo doolar, Waxay Siyaasada Turkiguna gashay Dalal badan oo Afrikaan ah oo laga yaabo in aysan Dadka Turkigu waligood maqlin magacyadooda ama xatta aanay aqoonba meesha ay juquraafi Dalalkasi ku yalaan Aduunka.


Liiska duulimaadyada joogtada ah ee ShirkaddaTurkish Airlines ay ku tagto Africa aya kordhay waxayna hada Diyaaradu dulimaadyo toos ah ku tagtaa 60 gobol oo ku kala yaalla 39 dal oo Afrikaan ah.


Hay'ado badan oo Turki ah ayaa ka hawlgala qaaradda madow Sida TIKA, Afed, Machadka Yunus Emre, Deeqda waxbarashada Turkigu bixiyo, Wakaaladda Anadolu, Bisha Case e  Gargaarka Bani’aadamnimo, Awqaafta Iyo Diinta Turkiga oo ka hawl gasha qaarada Africa.


Intii u dhaxaysay 2009 iyo 2019, Turkigu wuxuu bixiyay 2.5 bilyan oo Doolar si loogu caawiyo dalalka ugu faqiirsan Qaarada Afrika.


Turkigu wuxuu ku naloonayaa marka Africa laga hadlaayo Astaan gaar u ah isaga taas oo muhiim ah waqtigan la joogo waxayna tahay taasi in uu isagu ku jirin dalalkii Africa gumeystay waxayna siisay sumcad guud oo togan,


Arinkaasina waxa uu Turkiga u horseedi kara in uu si fudud ula fall galo dalalka Africa dhinacyada dhaqalaha & siyaasadda iyo iskaashiga arrimaha gobolka iyo caalamka,


Dhab ahaantii Istaraatijiyadda Turkiga ee Afrika ku wajahan ujeeddadeedu waxay tahay in uu Turkigu noqodo Ciyaartoy siyaasadeed oo adeegsada Awoodda jilicsan taasina maaha mid Africa keliya ku kooban laakiin sidoo kale waxa u u adeegsada meelo badan oo kale, Marka la eego mawqifka Turkiga ee Afrika marka la joogo fagaarayaasha caalamiga ah Gaar ahaan Qaramada Midoobay muhiimadda ay Africa u leedahay diblomaasiyadda Turkiga waa mid si fudud loo fahmi karo marka la eego qaabka uu Turkigu Africa u daneeyo.


Ugu danbayntii Afrika ayaa hada ah aag ay tartan ba’an ugu jiraan dalal badani,

Mareykanka iyo dalalka reer Yurub ee hore ee gumeystaha Africa waxay muddo dheer ka shaqeysanayeen qaaraddan irmaan iyaga oo aanay cidina ugu imaanayn xiliga u aha barisamaadka, balse hada waxay u muuqata in aan tuulo danbe laysu dhaafayn waayo waxa ku tartamaaya Dalal badan oo bilaabay inay ka hawl galaan qaarada sida Shiinaha, Iiraan, Hindiya, Braziil iyo Turkiga oo ku shaqaynaya hada jawi tartan oo Isballaadhin ah wax badana kaga duwan dalalka kale ee u ordaaya Africa waxan Tusaale yar u soo qaadan kara hadal uu sheegay Madaxweynaha dalka Togo Mr: Gnassingbe mar ay si wadajir ah shir jaraa’id uu wada qabteen Madaxweyne Erdogan iyo isagu haldalka Mr: Gnassingbe waxa ka mid aha sidan "Mudane Madaxweyne waxaad mar walba difaacdaa dalalkayaga Afrika ilaa iyo hadda marna maanu arag hoggaamiye aan Afrikaan ahayn oo booqda qaaradda Africa adiga mooye ku so dhawoow Madaxwayne Qaaradi aad jeclayd oo iyana ku jecel”.


Waxa Qoray: Eng Samaale Mo Somali

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...