Xukuumada Somaliland Oo Wada Qorshe Lagu Xakamaysanyo Baraha Bulshadu Kuwada Xidhiidho

0
Friday October 22, 2021 - 09:02:22 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Wada Qorshe Lagu Xakamaysanyo Baraha Bulshadu Kuwada Xidhiidho

    "Waxa goluhu warbixin ka dhegeystay Guddi hore loogu xilsaaray ka soo talo bixinta Isticmaalka Baraha Bulshada (Social Media)."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa goluhu warbixin ka dhegeystay Guddi hore loogu xilsaaray ka soo talo bixinta Isticmaalka Baraha Bulshada (Social Media)."

Hargaysa (HWN) Xukuumadda Somaliland, ayaa wada qorshe la doonayo in lagu xakameeyo Baraha Bulshadu ku wada xidhiidho ee loo yaqaan (Social Media).



Sidoo kale, waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeedka in golluhu warbixin ka dhegeystay Guddi hore loogu xilsaaray kasoo talo bixinta Isticmaalka Baraha Bulshada (Social Media).


 Guddidaa, ayaa Gollaha ka siiyay warbixin caqabadaha ka jira isticmaalka Baraha Bulshada iyo tallaabooyinka loo baahan yahay ee xal u noqon kara caqabadahaas,wallow aan qoraalka lagu xusin waxa ay yihiin caqabadahaasi.


 Waxaase lagu xusay qoraalka in Guddidaa la siiyay inay muddo 30 maalmood ah ku keenaan tallooyin la xidhiidha sidii loo fulin lahaa qodobbada ay ku taliyeen in la fuliyo, kuwaas oo aan meelna lagaga xusin qoraalka.


War-saxaafadeedkan Madaxtooyada, ayaa lagu yidhi "Waxa goluhu warbixin ka dhegeystay Guddi hore loogu xilsaaray ka soo talo bixinta Isticmaalka Baraha Bulshada (Social Media). Waxaanay Guddidu Golaha uga war-bixisay caqabadaha ka jira isticmaalka Baraha Bulshada iyo tallaabooyinka loo baahan yahay ee xal u noqon kara caqabadahaas, iyadoo Guddida la siiyey inay muddo 30 maalmood ah ku keenaan tallooyin la xidhiidha sidii loo fulin lahaa qodobbada ay ku taliyeen in la fuliyo."

Loading...
Loading...