Waan Mehersadey, Haddana Waan Ka Murugooday

0
Thursday October 21, 2021 - 11:20:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waan Mehersadey, Haddana Waan Ka Murugooday

    Xigasho Maxamed Cabdilaahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xigasho Maxamed Cabdilaahi

"Ka hor intii aanaan guursan xaaskayga danbe waxa aan lahaa xaas aad u qiime badan oo ii dhashay laba ilmood. Waxa ay ahayd gabadh kaftan badan oo i ixtiraamta, weligayna wax aan dhibsado oo aan xasuusto ima ay odhan.



Waa ina rag iyo damaciisa e, waxa i bilaabtay hawo guur oo in aan gabadh labaad guursado ayaan damcay, weliba gabadhaa labaad oo aan isku baranay magaalo aan shaqo u tagay beri dhawayd.


Gabadhii baan guur ka dalbaday iyaduna waa ay iga oggolaatay. Kadibna waxa aan weydiistay reerkeedii aabbeheedna waa uu i siiyey oo soo kaxayso wadaadka aan kuu meheriyee ayuu igu yidhi, kadibna waxa aan qabsaday wakhti aan reerka u tago oo meherkuna dhaco.


Subaxdii aan gabadha mehersanayey habeenkeedii ayaa aan xaaskaygii hore u sheegay in aan berri mehersan doono. Inkasta oo aan ka dareemay in aannay igu faraxsanayn haddana wax dagaal ah iima ay muujin.


Waxa la gaadhay subaxdii ballantu ahayd. Waxa ayna xaaskaygii ii soo diyaarisay quraacdii, aniguna inta aan cunay ayaan galay qolka hurdada oo ku soo lebistay kadibna hudheelkii meherku ka dhacayey ayaan toos u tagay.


Waxa aan la aqalgalay xaaskaygii, aniga oo ka maqnaa gurigayga mudo gaadhaysa 14 maalmood oo aan shaqadaydiina ka fasax qaatay.


Markii aan reerkaygii hore ku soo noqday ayaa waaba xaaskaygii oo aan juuq lahayn. Waxa aad moodaa in uu shoog ku dhacay. Waxkasta aamusnaan ayay ku qabanaysaa kelmadina kama soo baxayso.


Markii hore in ay ii cadhoonayso ayaan moodayey, laakiin sheekadu saw sidaas waa ay ka duwan tahay. Mudo bilo ah markii ay sidaas ahayd, welibana ay tahay fool sadkeedii go’ay ayaan is idhi bal gabadha sidan kuma eegan kartide dalxiis yar u saar oo soo maslax masayr tirna soo sii.


Waxa aan weydiiyey safar dhulka ah, ama cirka ah ama badda ah midka ay xiiseyn lahayd. Waxa ay dooratay safar badda ah maadama aannay hore doon u raacin.


Magaalada aan ku noolahay magaalo la jaar ah oo bad leh ayaa aan u dalxiis tagnay. Kadibna waxa aan kiraysanay doon weliba aniga ayaa naakhuude ama wade ka ahaa maadama oo aan aqaannay sida loo kaxeeyo.


Goor casar gaaban ah ayay ahayd, mar kaliya ayaa annaga oo ku jirna badda dhexdeeda oo weliba badweynta dhex marayna uu roob na qabsaday. Mawjadihii badda ayaa iyaguna nagu kacay oo doontii ayay kolba dhan u dhirbaaxeen, waa aan dawakhay oo jihadii baa naga luntay. Sidii roobkii noo hayey annaguna aannu kolba dhan ugu soconay ayaa gabalkii noo dumay.


Waxa isugu kaaya darsamay madowgii habeenka, madowgii badda iyo madowgii roobka. Waxa aannu galnay saddex madow. Cabsi badan ayaana ila soo deristay.


Intii hore oo dhani illaa nimco ayay ahayd e, doontii baa dalooshantay oo biyuhu soo galeen, qori ayaan ka jaranay oo i xejiso ayaan idhi. Annaga oo heehaabayna ayay naxdii sow gabadhii fuuli qabatay oo waaba ay foolatay.


Naxdintii iigu darnayd ayay ahayd e, cabaar kadib ayuu ilmihii madaxii keenay. Waryaahe i caawi ayay igu tidhi. Oo maxaan u qaban karaa haddaan looxa sii daayo waannu halaagsamaynaaye anna wallaahi dheg uma dhigin.


Iyada ayaa iska umulisay. Waxa ay igu tidhi waar ilmihii waan hayaaye xudunta ii jar, belaayo kugu dhacdaye badda ku tuur ayaan ku idhi. Igama ay dhegaysane xuduntii bay u goysay ilmihii tii oo gacanna aniga igu haysata gacanta kalena ilmaha ayay ilkeheeda ugu jartay.


Oo inta ay ilmaha dhabta u soo dhowaysatay anigiina i xejisatay. Anigu waxa aan ku leeyahay oo ku celcelinayaa naa naga tuur yuu ku galaafan e ilme lahaane.



Dhowr saacadood annaga oo sidii u balanbalayna ayuu markab na arkay oo na badbaadiyey. Kadibna anigu koomo ayaan galay. Halka gabadhii aannay ka qasnayn ee ay iska wadatay hawleheeda ilmeheedana ay jaqsiinayso.


Markasta oo la is yidhaahdo warraystaba anigu koomo ayaan galaa oo waan iska ooyaa halka gabadhu uga sheekaynayso wixii dhacay oo dhan. Maalintii danbe ayaa aan weydiiyey oo ku idhi walaaleey qalbi adakidaa anigii ninka ahaa ayaan ka sheekayn karayn waxa innagu dhacay adna mid mid ayaad uga warramaysaaye?


Waxa ay iigu jawaabtay inaadeer maalin ka adag ayaa isoo martay oo waxani wax fudud ayay ila tahay! Waxa aan ku idhi waa maalintee? Waxa ayna igu tidhi waa maalintii adiga oo naag mehersanaya inta aad habeenkii ii soo hoyatay gurigayga ka lebisatay ee aayar iga baxday! Maalintaa ayuu qalbigaygii daatay oo i burburay markaa waxani waxba ilama aha.


Markii aan arkay in xaaskaygu xaalad adag ku sugan tahay ayaan ku go’aan gaadhay in aan furo xaaskaygii danbe.


Waxa aan siiyey lacag badan oo raalli gelin ah iyada iyo qoyskeedeeba sidoo kalena meherkeedii ayaan siiyey. Waxa aan sidaa u samaynayey si aan u badbaadiyo hooyada carruurtayda oo ahayd gabadh nolosha ila soo dhistay”


Sheekadan ninka ay ku dhacday waa nin soomali ah oo qurbaha ku nool, Waxa aan daawaday isaga oo ka sheekaynaya kadibna waxa aan isku dayey in aan qoro.

Xigasho Maxamed Cabdilaahi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...