52 Sanno Ka Hor Maanta Oo Kale Inqilaabkii Maxamed Siyaad Iyo Hadalladii Laga Reebay

0
Thursday October 21, 2021 - 10:01:18 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    52 Sanno Ka Hor Maanta Oo Kale Inqilaabkii Maxamed Siyaad Iyo Hadalladii Laga Reebay

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

= 52 sanno ka hor maanta oo kale 21/10/1969 habeen salaasa ah, ayuu Maxamed Siyaad inqilaabay dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray. waxaanu yidhi" Iimaanka la idinka qaadye, kursiga qori caaradii ayaan ku qabsaday, qori caaradiina waan ku tegayaa". tabtii uu sheegay ayey u dhacday.



= Maxamed Siyaad Barre markii uu ku dhawaaqay golihiisii wasiirrada, ayaa xantii shacabka loo keenay in aanay bulshadu ku qanacsanayn, markaasuu yidhi" Iimaanka laga qaad ma waxa ay doonayaan inay qallinkayga ka taliyaan".


= Dagaalkii 1977 waxa wasiirka arrimaha dibadda ka ahaa Soomaaliya C/raxmaan Jaamac Barre, oo ay Maxamed Siyaad Barre ilmaadeer ahaayeen, wuxuu ahaa agnaan aan kalmad bulshada u sheegi Karin, kadibna waxa loo bixiyey” wasiirka xaragada iyo xigmad la’aanta. Ficilkiis ugu weyni wuxuu ahaa xarago iyo is-daawasho. waana tii keentay inay Itoobiya Soomaaliya kaga adkaato siyaasadii arrimaha dagaalkii 1977-kii.


= Ciidankii nabadsugida ee Maxamed Siyaad ayaa nin wejiga uga eeg Maxamed Siyaad ku xidhay magaalada Afgooye horraantii sannadkii 1985-kii, dabadeed waxa ay soo taageen maxkamaddii, waxa aynu ku eedeeyeen” isu-eekaysiiye madaxweynaha qaranka”.


= badhtamihii sannadkii 1988-kii ayaa Siyaad Barre la waraystay. waraysigii ayaa lagu weyddiiyey su'aal ahayd" xaalada Goboladii waqooyi (Soomaalilaanta maanta) halkay marayso?" dabadeed intuu qoslay, qosol dheer oo feedhaha ka soo go'ay ayuu suxufigii ugu afceliyey" Jaalle waxa ka socda Ciyaarihii goboladda." hadda waa meel holcaysa, oo dagaallo qadhaadhi ka socdaa.


= Siyaad Barre ayaa suuqa loo geliyey inuu lugta midig faalig kaga dhacay, oo aanu dhaqaajin karin, dabadeed maalintii dambe ayuu khudbad ka jeediyey xaruntii Taalada Sayidka, markaasuu yidhi" Iimaanka laga qaad, waxa ay yidhaaheen lugta midig ayaa bakhtiday. intuu lugtii midig kor u qaaday ayuu yidhi waar ma taasaa bakhti ah, markaasaa la yidhi maya. hadaba iimaanlaawashaa u sheega in aan caafimaaad qaba, ayuu raaciyey" .


= Kaftan dhexmaray Cawke iyo Siyaad Barre: Siyaad Barre: "Waar Cawke dee muuqaaga iyo codkaagu isma laha”. Cawke: "Madaxweyne ninba meel u weyn”. wuxuu sarbeebay adigaba muuqaaga iyo afkaagu isma laha, oo Afweyne ayaa lagu yidhaa.


= wakhtiyadii ugu xumayd ee dawladii Kacaanku bandooda ku soo rogtay W/Galbeed (Somaliland) dabayaaqadii 1987-kii ayey niman dhalinyaro ah oo gidaar fadhiyaa ku qosleen sarkaal ka tirsanaa ciidankii dawladda oo derejadiisu ahayd Kabtan oo hortooda ku kufay. ka dib Kabtankii ayaa amar ku bixiyey in la soo qabto, way yaaceen, mid ayaa la soo qabtay, ka dibna maxkamadda ayaa la soo taagay. garsoorihii ayaa yidhi" kiiska laguu haystaa waa, KU QOSLE KABTAN KUFAY."

 


= 26/1/1991, Maxamed Siyaad markii laga saaray Muqdisho isaga oo la baacsanayo ayuu galay kiiniya, ka dib waa la waraystay, waxaana la su’aalay waxa dalkiisii ka keenay wuxuu yidhi” dad waalan ayaan jeel ku hayey oo jeelkii soo jabsaday”. Prof. Gees.


 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

[email protected]

 

 

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...