Booliska Gobolka Sanaag oo gacanta ku dhigay Askari dil geystay

0
Thursday October 21, 2021 - 08:58:57 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Gobolka Sanaag oo gacanta ku dhigay Askari dil geystay

    Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha keenay in askariga uu dilo Wiilka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha keenay in askariga uu dilo Wiilka




Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliland ee ka howlgalla Gobolka Sanaag ayaa waxaa uu ku dilay degaanka Yubbe oo hoostaga Magaalada Ceerigaabo Wiil Dhalinyaro ahaa.



Wiilka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Saciid Cabdi ayaa dhowr xabadood waxaa qeybaha sare ee jirkiisa kaga dhuftay askariga sidaasina uu isla goobta ku geeriyooday.


Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha keenay in askariga uu dilo Wiilka dhalinyarada ah, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in khilaaf uu soo kala dhexgalay sidaasina lagu dilay Wiilka Dhalinyarada ahaa.


Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska Somaliland ee ku sugan degaanka Yubbe ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen askariga dilka geystay oo isku dayayay in uu goobta ka baxsado.


Dilalka ay Ciidamada u geeysanayaan Dhalinyarada ayaa ku batay degaannada Somaliland, waxaana dhowr jeer ay ka dhaceen Magaalada laas-Caanood iyo Magaalada Burco, hayeeshee la xiray askartii dilalkaas geysatay.

Loading...
Loading...