Maayar Cabdikariim ma ugu guulaysan doonaa ballanqaadyadii uu sameeyey, sidii uu ugu guulaystay qorshihiisii ololaha?

0
Thursday October 21, 2021 - 08:30:43 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 548
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayar Cabdikariim ma ugu guulaysan doonaa ballanqaadyadii uu sameeyey, sidii uu ugu guulaystay qorshihiisii ololaha?

    Axmedyaasiin Muxumed Cadde waa aqoonyahan cilmi-baadhe ah oo deggan Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmedyaasiin Muxumed Cadde waa aqoonyahan cilmi-baadhe ah oo deggan Hargeysa.



Cabdikariim Axmed Mooge wuxu noqday maayarkii ugu codka badnaa doorashadii ina dhaaftay, haatana waa maayarka ugu caansan dalka. Su’aalo muhiim ahi waxay yihiin sidee ayay ugu suurto gashay in uu ku guulaysto 26,000 iyo dheeraad cod, mase ku guulaysan doonaa lix ballanqaad oo uu dadweynaha u soo bandhigay, si la mid ah sida uu ugu guulaystay qorshihiisii ololaha.



Bal marka hore aan eegno maxaa Cabdikariim u suurogeliyey in uu kasbado quluubta dadweynaha Hargeysa ee codkooda u hibeeyey?


Waxa dhici karta in arrimo badan oo is biirsaday ay sabab u ahaayeen geeddi-socodka guushiisa, aniguse waxan qabaa afartan arrimood ee soo socda ayaa laf-dhabar u ahaa, waxaana laga dheehan karaa waraysiyadii, khudbadihii iyo fariimihii uu dadka u gudbiyey wakhtigii ololaha.


1.Ajende cad oo fudud:Marka aad musharax tahay waa muhiim in aad lahaato barnaamij siyaasadeed ama ajandekala qeexan oo la fahmi karo.Ajande siyaasadeed markaaan leenahay wax kale maahaee waa "Istiraatajiyad ku dhisan sawir maskaxeed ama khiyaaluuhoggaamiye xil u tartamayaa maskaxdiisa ka curiyey,kaas oo uu u arkoinayhorumar u horseedi karaandadka uu rabo inuu maammulo.


Ajandaha uu watayCabdikariimwuxu u muuqdaymid uu ka soo taxadaraysoona daraaseeyey.Waxa uu ku salaysnaa arrimaha iyo adeegyada uu culaysku ka haysto bulshada ee ay tabashadoodu u badan tahay. Waxa uu lahaa hal-ku-dheggaodhanaya "SooNoolaynta Rajada Shacabka.Waxaaarrimahaas ka mid ahaa:Bilicda iyo fayadhawrka Hargeysa, sinnaantadadka, yaraynta musuqmaasuqa cashuuraha, horumarinta waddooyinka, kobcinta dhaqaalaha iyohagaajintaadeegga bulshada sida waxbarashada, biyaha.


2.Qaabka uu farriimaha u soo bandhigay:In la soo bandhigo barnaamij siyaasadeed, laguna qanciyo codbixiyahu, waxay u baahan aqoon iyo xeelad. Waana ta uu Cabdikariim kaga duwanaa musharaxiinta kale badankooda marka laga eego dhawr dhinac. Ugu horrayn, sida aan soo sheegnay, ballanqaadyadiisu waxay abbaarayeen saluugga ay dadweynuhu qabaan iyo dhibaatooyinka horumarineed ee muuqda sida waddooyinka jajaban, qashinka iwm. Sidoo kale, waxa uu ku baraarugsanaa heerka aqooneed iyo wacyi ee dadweynaha uu codka ka rabo, taasina waxay u sahashay in uu ballanqaadyadiisa ka dhigo fariimo cad-cad oo ay dadweynuhu si fudud ula fahmi karayeen. Waxa uu qudbadihiisa ka ilaaliyey luuqad kasta oo fahankeedu u baahan tahay in dhegaystuhu aqoon badan leeyahay.


Tusaale ahaan, ereyga"Musuqmaasuq” oo ah kalmad farsamo ahaan waxyaabo badan ka hadlaysa sida eexda, laaluushka iyohummaagyo kale oo fahankoodu adkaan lahaa,muu adeegsanayn badanaaweedha"La dagaallanka Musuqmaasuqa”. Wuxuse u dhigayeysidan"Cashuurta dadka ayaan ilaalinayaa inaanay meel qaldan marinIdinkama shaqaysan doonee waan idiin shaqaynaynaaSi siman ayaan xaafadaha Hargeysa wax ugu qabanayaa


Marka uu ka hadlayo fayodhawrka iyo ilaalintadeegaankamuu adeegsanaynweedhahafarsamo sida "hagaajinta deegaankalaakiin waxa uu isticmaalayereyofududoo sawiraya aragti saresida"Magaalocagaaran ayaan ka dhigayaa HargeysaMagaalo nadiif ah oo aan qashin lahayn ayaan ku riyoonayaaHargeysa qurux badan, cagaaran,oonidaamsan weeye Hargeysadaaan ku riyoonayaa.Kaabeyaasha dhaqaalaha ayaan iyaganabadanaa laga maqalweedha"Kaabaha Dhaqaalaha.Taa beddelkeeda, waxa uu lahaa "Hargeysa maanta waa meel isku dhex mulaaqan oo saxmad leh, suuqyadeenu aanay sugnayn, dib u nidaamin dhammaystiran ayay u baahan tahay


3.Isbarbardhigga dhibaatada iyo xalka:Waxaa iyadna xasuus mudan in uu adeegsaday hannaanka loo yaqaan "isbarbardhigga” oo ay culimada aqoonta u leh khudbaduhu aaminsan yihiin in uu saamayn ku yeesho maskaxda dadka. Nidaamkan ayaa ah in aad marka hore sheegto dhibaato dadka u muuqata kadbina aad soo barbar dhigto xalkeeda, amaba aad isku dhigto in aad adigu tahay xalliyihii dhibaatadaas. Tusaale ahaan"Hargeysa maanta waa magaalo wada dhas ah, miyaynaan dhaskaa cagaar ka dhigi karin?”waxaanu ku soo gabogabaynayey"dabcan, waan ka dhigi karnaa.”


4.Garashada cidda uu codka ka rabo, halka laga helo iyo sida loo helo:Cabdikariim iyo inta la shaqaynaysay waxay si wacan u garanayeen cidda ay codka ka rabaan.Waxay indhaha ka saabteen qabyaaladda waxaanay diirradda saareen dhallinyarada aan ku qiyaasi karo da’da u dhaxaysa 16 ilaa 30 iyo haweenka. Da’dan waxaa lagu yaqaanaa xamaasad, firfircooni iyo in aanu qabiilku saamayn weyn ku lahayn. Waana sababta Cabdikariim uu aad ugu isticmaalay baraha warbaahinta bulshada oo qayb weyn ka ahaa guushiisa taas oo u suurogalisay in uu kooxdan toos ula xidhiidho, doodo isaga u dan ahna ka dhex abuuro, iyadoo aanu kharash badani ku baxayn. Waxan aaminsanahay in ay taasi Cabdikariim ka dhigtay siyaasi jeexay dariiq cusub dadkana baray in kuraasta qaranka lagu guulaysan karo qabiil iyo qabyaalad la’aan.


Maxaa haatan la gudboon Maayar Cabdikariim si uu u hirgeliyo wixii uu dadka u sheegay?


Dad badan oo aqoon u leh arrimaha maamulka iyo horumarinta oo ay doodo na dhex mareen waxay aaminsan yihiin in aanay suurogal ahayn in Cabdikariim qabto wax kasta uu ololihii dadka u sheegay marka la eego caqbadaha hor yaalla oo ay ka mid yihiin kuwo dhaqaale, siyaasadeed, kuwo la xidhiidha xirfadda shaqaalaha iyo muddo-xileedkiisa oo ku kooban shan sanno. Dhanka kale, marka la eego Cabdikariim oo leh aqoon iyo waayo’aragnimo maamul, waa suuragal ah in uu wax badan beddeli karo…

 

La soco qaybta 2aad


Axmedyaasiin Muxumed Cadde waa aqoonyahan cilmi-baadhe ah oo deggan Hargeysa.


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...