Turkiga ayaa u yeedhay 10 safiirro oo taageersan Cusmaan Kavala
Turkiga ayaa u yeedhay safiirrada toban dal, oo ay ku jiraan Jarmalka iyo Mareykanka, kadib markii ay codsadeen in la sii daayo maxbuus siyaasadeed, sida ay ilo-diblomaasiyadeed sheegeen Talaada maanta.
Cusmaan Kavala oo 64 jir ah, una dhashay Paris, ayaa xabsiga ku jiray iyada oo aan wax xukun ah lagu helin tan iyo sannadkii 2017 kiiskaas oo sii huriyay xiisadda reer Galbeedka iyo turkiga ka dhexaysa.
Dhaqdhaqaaqahan u dhashay Turkiga ayaa wajahaya dacwado badan oo lala xidhiidhinayo mudaaharaadyadii dowladda looga soo horjeeday ee 2013-kii iyo af-genbigiil milatari oo fashilmay sannadkii 2016. Kavala wuu beeniyay eedeymahaas.
Kooxaha xuquuqda iyo qaar ka mid ah dawladaha reer Galbeedka ayaa u arka xadhigiisa astaan Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan dulqaadka sii yaraanaya ee mucaaridka uu u leeyahay.
Bayaan Isniintii la soo saaray, Canada, Denmark, Finland, France, Germany, Netherlands, New Zealand, Norway, Sweden iyo Mareykanka ayaa ku baaqay in "si cadaalad ah oo deg deg ah xal loogu helo kiiska ninkaa”.
"Dib-u-dhaca sii socda ee maxkamadeyntiisa … waxay mugdi gelinaysaa ixtiraamka dimuqraadiyadda, sarreynta sharciga iyo hufnaanta nidaamka garsoorka Turkiga,” ayay yiraahdeen.
Safaaraduhu waxay ugu baaqeen Turkiga inay raacaan go’aannadii Golaha Yurub, oo ahaa hay’ad xuquuqul insaan oo ay ku biireen 1950kii.
Danjirayaasha ayaa lagu wadaa inay soo gaadhaan wasaaradda arrimaha dibadda ee Ankara, sida ay ilo-wareedku u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Suleyman Soylu ayaa bartiisa Twitter-ka ku weeraray bayaankii safaaradaha.
"Ma aha wax la aqbali karo in danjirayaashu ay talo ama soo jeedin u soo jeediyaan garsoorka si dacwadda loo sii waddo,” ayuu yiri Soylu.
"Talo-soo-jeedintaada iyo fara-gelintu waxay mugdi gelineysaa fahamkaaga sharciga iyo dimuqraadiyadda.”