Hal qof ayaa looga shakisan yahay inuu u dhintay Ebola waddanka DRC

0
Wednesday October 20, 2021 - 08:21:52 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hal qof ayaa looga shakisan yahay inuu u dhintay Ebola waddanka DRC

    Laakiin mutadawiciintu waxay u sharxeen inaysan suurtogal ahayn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laakiin mutadawiciintu waxay u sharxeen inaysan suurtogal ahayn.




Tabaruceyaal la shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka ee Kongo oo ku labisan dharka ilaalinta ayaa Isniintii tegay guriga nin looga shakisan yahay inuu u dhintay Ebola oo ku yaal Kasabinyole, xaafad ku taal Beni.



Meydka 36 jirka ayaa la qaaday oo la daboolay iyadoo qaraabadii murugsaneyd ay dalbadeen oo ku baryootameen in mar la tuso maydka.


Laakiin mutadawiciintu waxay u sharxeen inaysan suurtogal ahayn.


Waxay ka qaadeen shaybaarka dhibbanaha oo la falanqeyn doono si loo go’aamiyo inuu qabo cudurka Ebola.


Mas’uuliyiinta ayaa Isniintii sheegay in shan xaaladood oo la xaqiijiyey oo Ebola ah laga diiwaangeliyay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, halkaas oo ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen bishan, tan iyo markii lagu dhawaaqay cudurka soo cusuboonaaday.


Faafitaanka cusub ee bilaabmay Oktoobar 8-dii ayaa imanaya ka dib markii uu dillaacay cudur aad u xun oo bilaabmay 2018, markii uu cudurku dilay in ka badan 2, 200 oo qof oo ku noolaa gobolka ay colaaddu ka jirto, iyo shan bilood ka dib markii waddanku ku dhawaaqay inuu ka xor yahay fayraska.


Ururka Caafimaadka Adduunku wuxuu bilaabay inuu dadka ka tallaalayo fayraska toddobaadkii hore.

Loading...
Loading...