Tababare Diiday Tallaalka Covid Oo Shaqada Laga Eryay

0
Wednesday October 20, 2021 - 07:50:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababare Diiday Tallaalka Covid Oo Shaqada Laga Eryay

    "Tani waxay maalin niyad jab ah u tahay barnaamijkeenna kubadda cagta,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Tani waxay maalin niyad jab ah u tahay barnaamijkeenna kubadda cagta,"

Tababare sare oo Mareykanka u dhashay isla markaana tababare kubadda cagta u ahaa koox ka aasaasan kuleej ayaa shaqadiisa laga cayriyay kaddib markii uu diiday in laga tallaalo xanuunka Covid-19.




Jaamacadda Washington State (WSU) ayaa shaqada ka tirtay Nick Rolovich, oo ahaa shaqaalaha ugu mushaarka badan, iyo afar ka tirsan kaaliyeyaashiisa, sababo la xiriira inuu diiday tallaalka.


Shuruudda ay soo rogtay jaamacadda ayaa ahayd in dhammaan shaqaalaha si buuxda loo tallaalo haddii kalena ay shaqadooda weynayaan.


Mr Rolovich, oo 42 jir ah, oo sanadkii qaadna jiray $3.1m (£2.25m), ayaa codsaday in sababo la xiriira diintiisa looga daayo tallaalka.


Balse Agaasimaha Ororddada ee WSU, Pat Chun, ayaa sheegtay in la diiday codsiga tababaraha.

"Tani waxay maalin niyad jab ah u tahay barnaamijkeenna kubadda cagta," ayuu yiri Chun.


"Muhiimaddeennu waxay ahayd siina ahaan doontaa caafimaadka iyo fayo qabka dhalinyarada kooxdeenna."

Shaqo ka tirista Rolovich ayaa muujineysa is mari waa saddex bilood socday oo u dhaxeeya tababaraha iyo Barasaabka Washington ee Dimuqraaddiga ka tirsan Jay Inslee.


Bishii August, Inslee ayaa ku dhawaaqay in dhammaan shaqaalaha gobolka iyo kuwa caafimaadka looga baahan yahay inay qaataan labada kuuro ee tallaalka Covid-19 si ay shaqaooyinkooda u ilaashadaan. Isniintii waxay ahayd maalintii kama dambeysta ahayd ee ay tallaalka qaadan lahaayeen, amaba ay soo gudbin lahaayeen codsi ka cafin ah oo la xiriira caafimaad amaba diin.


Balse Rolovich ayaa sheegay inuusan qaadan doonin tallaalka, isagoo ku sheegay inuu yahay go'aan shakhsiyadeed.


"Aniga oo gaaray go'aankeyga, waxaan tixgelinayaa in qof walba - oo ay ku jiraan tabarayaasha, shaqaalaha iyo ardayda orod-yahannada ah - ay qaadan karaan go'aankooda la xiiriira tallaala Covid-19. Faahfaahin dheeraad ah kama bixin doono go'aankeyga," ayuu yiri horraantii sanadkan.


Qiyaastii 90% shaqaalaha WSU iyo 97% ardayda waa la tallaalay, sida laga soo xigtay jaamacadda.

Rolovich, oo sanadkii labaad joogay WSU, waa tababarihii ugu horreeyay ee kuleejkaas oo shaqadiisa ku waaya sababo la xiriira tallaalka.


Jaamacadda ayaa cayaaraha ka soo xareysay $19bn (£14 bn) sanadkii 2019, dakhligaas oo intiisa badan ka yimid kubadda cagta, oo kulankiiba ay daawadaan qiyaastii shan milyan oo qof.


Mushaarka Rolovich ee WSU ayaa wuxuu ka sarreeyay kan la siiyo tababarayaasha kubadda cagta ee kuleejyada, balse wuxuu sidoo kale noqday shaqaalaha ugu mushaarka sarreeya gobolka, sida laga soo xigtay warbaahinta.

 

BBC

Loading...
Loading...