Madaxwayne Wasaaradda Shaqo-gelinta,Arrimaha Bulshada iyo QoyskuBadbaado ayay kaaga baahantahay

0
Tuesday October 19, 2021 - 12:31:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 763
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Wasaaradda Shaqo-gelinta,Arrimaha Bulshada iyo QoyskuBadbaado ayay kaaga baahantahay

    "Wasaaradda oo ay ka jirto isku dul noolaan iyo kala sarayn dhinaca Maaliyadda ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wasaaradda oo ay ka jirto isku dul noolaan iyo kala sarayn dhinaca Maaliyadda ah"

Tan iyo intii uu Wasiirka wasaaradda Shaqadda, Arimaha Bulshada iyo Qoysku Mustafe Maxmuud Cali, Uu la wareegay xilka wasaaradda Shaqo-galinta,Arrimaha Bulshada iyo Qoyska waxaa wasaaradda soo gaadhay kaalmo deeqo Maaliyadeed ah oo ay bixiyeen Qaar kamida Hay’addaha caalamiga ah ee ka hawlgala Dalka, deeqahaas oo lagusoo shubo  Akoono gaara oo wasaaradda uga furan Bangiyadda Gaarka ah, ayaa Wasiirku kula kacay inuu musuq-maasuqo Kadib markii Hay’addaha caalamiga ahi ay ku guul-daraysteen inay lacagahaasi soo marsiiyaan qasnadda dhexe ee dawladda. Lacagaha ay bixiyeen deeq bixiyayaasha ayaa soo maraysay Hay’addaha caalamiga ah ee madaxa banan Sida Hay’addaha Qaramadda Midoobay ee UNICEF,UNFPA, UNDP,UN Women, iyo hay’addo  kale oo ay ka midyihiin Save the Children deeqdaas oo loogu talagalay in wax lagaga qabto Mashaariic caawimeed oo ay wasaaraddu gacanta ku haysay, kuwaas oo wax lagaga qabanayay Badbaadada dhalaanka, caruurta iyo dumarka tacadiyadu ku dhaco, darbi-jiifka ay xaraysay wasaaraddu ee ay xerada ay  ku hayso,Dadka baahiyaha gaarka ah qaba,Agoomaha iyo Dadka nugul. Deeqahaas oo dhamaa kumaankun dollar ayaa wasiirku u leexsaday sifo sharci-daro ah isagoo uga faa’iidaysanaya sifo gaara, kadib markii uu baabi’iyay xafiiska xisaabaadka deeqaha Caalamiga ah si ay ugu fududaato lunsiga hantida dadka nugul ee la nool duruufaha qalafsan.

 

Wasaaradda oo ay soo gaadho sanadkii deeqo badan oo ay bixiyaan Hay’addaha caalamiga ahi laguma daro miisaaniyadda Wasaaradda, sidoo kalana lalama socodsiiyo Hay’addaha Maaliyadda ee dalka JSL.

 

Axmed Yuusuf Dirir waa Hantidhawraha Guud ee Qaranka JSL Waxaana uu xilka hayay muddo ka badan saddex sano, intii uu xilka hayay waxa uu baadhis ku sameeyay Hay’ado dawladeed oo ay soo gaadhaan deeqo Maaliyadeed, deeqahaas oo aan ka mid ahayn Miisaaniyadda Qaranka, Hay’addaha Dawlada ee Baadhista ku sameeyay waxa kamida Wasaaradda Horumarinta Waxbarashada iyo Sayniska, iyo Wasaaradda Caafimaaska, Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaradda Horumarinta Beeraha oo qaar kamida Akoono gaar ahi uga furnaayeen Bangiyadda gaarka ah, laakiin mudadaa dheer ee uu joogay xafiiska Hantidhawrka wax baadhisa kamuu fulin wasaaradan Shaqada Arimaha Bulshada iyo Qoyska oo ay soo gaadhay Deeqo Maaliyadeed oo badan isla markaana uu dhaco musuqmaasuq baahsan oo uu ku kaco wasiirka wasaaradda Shaqadu, waxaanu ku guuldaraystay inuu Musuqmaasuqaa Baadho.

 

 

 

Wasaaradda oo ay ka jirto isku dul noolaan iyo kala sarayn dhinaca Maaliyadda ah, waxaa jira in Agaasime waaxeedyadu ay qaataan Gunooyin kala duwan oo looga qoray Hay’addaha Caalamiga ah oo aan ahayd Guno xileedka Miisaaniyadda Qaranka, Halka shaqaalaha ay shaqada adagi ku dhacdo ay qaataan Mushaharka dawladda oo kaliyaata kaas oo dhan 1,500,000 slsh, halka agaasime waaxeedku uu qaato in ka badan $ 1500, arintani waxay niyad jab wayn ku haysaa guud ahaan shaqaalaha ka hawlgala wasaaradda shaqada Arimaha Bulshada iyo Qoyska arintaas oo markay Shaqaaluhu wasiirka kala  hadleen ilaa hadda aanu waxba ka qaban, kuna mashquulsanyahay Boobka hantida ummadda.

 

Dhinaca kalena waxaa istaagay guud ahaanba Adeegii iyo Daryeelkii loo qabanayay dadka Nugul sida Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ( Naafada), Darbi-jiifka iyo dadka saboolka ah ee ay Wasaaraddu Caawiso ee ay  ahayd inay u shaqayso, dhaqaalihii ay u qoondeeyeen Hay’addaha caalamiga ahina waxay si toosa jeebkiisa ugu dhacaan Wasiirka Wasaaradda Shaqada,Arrimaha Bulshada iyo Qoyska isagoo ku hawlan Guryo uu ka binaystay Xaafada Bada cas iyo Xaafada Isha Boorama, Waxaana Albaabadu usoo xidhmeen Xaruntii Darbi-jiifka ee Maxamed Mooge iyo Xaruntii Darbi-jiifka ee Magaaladda Burco oo Dhalaankii ku jiray ay iskaga dareereen markii ay Macaluul ugu dhiman gaadheen kuna soo noqday Dooxii iyo Suuqyaddii ay ka qadhaaban jireen.

 

Waxaa ayaandaro wayn ah in Masuulkii loo soo Magacaabay Wasaaraddu uu wali ku hawlanyahay Boobka iyo Musuq-maasuqa hantida ummada iyo Qabyaaladda iyo kala Qo-qobka reeraha isagoo bar tilmaameedsanaya reeraha Qaar kamida kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay Wasaaradda Shaqada ka hayeen, Waxaanu Wasaaradda ka wadaa Qabyaalad cad oo uu reeraha qaar kamida uu kula dhaqmayo isagoo nacayb gaara u haya taasoo dhalisay in Maamulkii iyo Waxqabadkii Wasaaradduba hoos u dhac wayni uu ku yimaado mudaddii uu xilka hayay, waxaana wax laga xumaado ah in Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqadda Marwo Hinda Gaani uu Horumarkii iyo tacabkii ay galisay uu ku baaba’ay muddo kooban, Marwo Hinda Gaani oo Wasaaradda Shaqadda,Arrimaha Bulshada iyo Qoyska u samaysay Siyaasad Cad oo lagula tacaalo dadka nugul baahiyahoodana lagaga jawaabo, isla sidoo kalena mar kasta ku hawlanayd sidii daryeel ay u heli lahaayeen dadka jilicdasan ee ay wasaadu Masuulka ka tahay.

 

Madaxwaynaha waxaan usoo jeedinayaa inuu si degdeg ah uu Xilka uga qaado Wasiirka Wasaaradda, Shaqo-gelinta,Arrimaha Bulshada iyo Qoyska oo caadaystay lunsiga iyo Xatooyada hantida ummadda,Eexda, Cadaalad daradda,Qabyaaladda iyo kala Qoqobka shaqaalaha.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...