Wasiirka Ganacsiga Oo Sheegay In Baligubadle Noqon Doono Marinka Uu Mari Doono Baayac-mushtarka Itoobiya.

0
Tuesday October 19, 2021 - 10:48:22 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1461
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Ganacsiga Oo Sheegay In Baligubadle Noqon Doono Marinka Uu Mari Doono Baayac-mushtarka Itoobiya.

    "Waxaan Rejaynayaa, In Baligubadle Noqon Doonto Marin Uu Xoog U Mari Doono Baayac-mushtarka Itoobiya.." Wasiirka Ganacsiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan Rejaynayaa, In Baligubadle Noqon Doonto Marin Uu Xoog U Mari Doono Baayac-mushtarka Itoobiya.." Wasiirka Ganacsiga

Baligubadle (HWN) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Daliiska Somaliland Maxamed Xasan Sacad (Saajin), ayaa Magaalada Baligubadle ka dhagax-dhigay xarunta Wasaaraddaasi ee Gobolka Hawd.

 

Wasiirka oo ay wehelinayeen Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo), Guddoomiyaha Komiishanka Tamarta Somaliland, Maayarka Baligubadle, Badhasaabka Gobolka Hawd, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Masuuliyiin kale, ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay Xarunta ay Wasaaradda Ganacsigu ku yeelan doonto Magaalada Baligubadle.

 

Munaasibadda dhagax-dhigga waxa ugu horrayn ka hadlay Isku-duwaha Wasaaradda Ganacsiga ee Gobolka Hawd Mubaarik Cabdillaahi Maxamed, waxaanu soo dhaweeyay Wasiirka Ganacsiga oo uu uga Mahad-naqay inuu Xafiiska Wasaaradda ka hirgeliyo halkaasi.

 

Maayarka Magaalada Baligubadle oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Xafiiska Wasaaradda Ganacsigu ka hirgalinayso Baligubadle, iyaguna ay Wasaarad walba u diyaariyeen halkii ay xafiis ka dhisan lahayd.

 

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid Ibraahim oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi "Wasiirka Ganacsigu wuxuu bilaabay inuu dhagax-dhigo Xarunta Wasaaradda Ganacsiga ee Baligubadle, Qandaraaskiina wuu bixiyey, waxayna la taallaa Qandaraas-bixiyeyaasha, waxaana laga yaabaa inay laba toddobaad gudaheed ku dhamaato.”

 

Guddoomiyaha Komiishanka Tamarta Axmed Faarax Cadarre oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa yidhi  "Gobolka Hawd wuxuu nasiib u yeeshay in la dhagax-dhigo Xaruntii Wasaaradda Ganacsiga ee Gobolka, Wasiirka Ganacsiga iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsigu way ku mahadsan yihiin..”

 

Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo) oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa Wasiirka ku soo dhaweeyay Baligubadle "Mudane Wasiir, ku soo dhawow Magaalada Baligubadle ee xarunta Gobolka Hawd, Mudane Wasiir waxaanu kaaga Mahad-celinaynaa inaad dhagax-dhigtay xaruntii Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Magaalada Baligubadle, Wasiir Xafiiskani wuxuu noqon doonaa mid isku xidhi doona Itoobiya iyo Somaliland, waxaanu Dadka Gobolka Hawd u soo kordhin doonaa dhaqdhaqaaq Ganacsi oo isku xidhi doona Itoobiya iyo Somaliland iyo inuu Shaqo-abuur soo kordhin doono.”

 

Munaaisbadda dhagax-dhigga oo uu ka hadlay Badhasaabka Gobolka Hawd oo soo dhaweeyay Xafiiskan, ayaa waxa soo gebogabeeyay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamed Xasan Sacad (Saajin), waxaanu yidhi  "Hawd, waa Gobol, in Gobollada la isa soo gaadhsiiyo waa Waajib, Dariiwa halkaa mara (Galbeedka) ma noqon doono mid innagu filan, Jidka halkaa mara mid ka fudud oo deegaankan daboola ayaa muhiim noqon doonta, markaa waa inaynu ku sii talo-galno oo aynu Xafiisyadii furno, waxaan rejaynayaa in Baligubadle noqon doonto Marin uu xoog u mari doono Baayac-mushtarka Itoobiya..”


Loading...
Loading...