Maxay isku Hayaan Ururrada Kaah & Horseed ee Puntland?

0
Tuesday October 19, 2021 - 09:19:54 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1096
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay isku Hayaan Ururrada Kaah & Horseed ee Puntland?

    Maalmihii ugu danbeeyay ayaa xisbiga Kaah Iyo Horseedba Lahadal Haayay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa xisbiga Kaah Iyo Horseedba Lahadal Haayay



Maxamed Faroole oo ah Lataliyaha Madaxweynaha DG Puntland ayaa eedeyn u jeediyay Xisbiga KAAH ee uu hoggaamiyaha u yahay Siciid Cabdullaahi Deni kaddib markii ay isku qabteen ololaha Doorashada Tijaabada ah.

Lataliyaha Madaxweynaha Puntland waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in cilaaqaad dhanka ololaha & doorashada uu kala dhaxeeyo Xisbiga KAAH halkii ay tartan furan ay la gelilahaayeen.

Taageerayaasha Xisbiga Horseed waxa uu Maxamed Faroole u muujiyay rejo ah in Xisbigaas uu u baahan yahay codka shacabka ka codeynaya Qardho, Eyel & Ufeyn si uu ugu guuleysto awoodda maamul ee DG Puntland.

"Horseed kaararka codeynta Dadka kama uruursato sababtoo ah baqdin kama qabno in aad inoo codeyn weysaan, Dadka sidaas sameynaya way baqayaan oo iskuma kalsoono” ayuu yiri Maxamed Faroole.

Xisbiga KAAH ee Madaxweyne Siciid Deni waxa uu u jeediyay eedeyn ah in uu dadka ka uruursanayo Kaararka si uu isii ogaado codadka uu ku tashanayo Doorashada 25-ka October 2021 ka dhaceysa Qardho, Eyl & Ufeyn.

"Horseed ma aha Kaah, Kaahna ma aha Horseed, waxa aan nahay Xisbi madaxbanaan oo waxaa Guddoomiye ka ah Cabdiraxmaan Faroole oo aad ogtihiin waxa uu ka qabtay Puntland” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Maxamed Faroole.

Lataliyaha Madaxweynaha Puntland, Maxamed Faroole:”Horseed maaha Kaah, Kaahna maaha Horseed, waan ognahay in Kaah ku ololeyso Horseed”.


Loading...
Loading...