Shan Mirir Oo Aan Sharcidarrada Ka Dagaallamo Ayaa Ka Hawlyar Shan Cisho oo aan Sharcidarro U Xidhnaado:

0
Tuesday October 19, 2021 - 08:59:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan Mirir Oo Aan Sharcidarrada Ka Dagaallamo Ayaa Ka Hawlyar Shan Cisho oo aan Sharcidarro U Xidhnaado:

    Shaadh Ciidan La Igu Saabuugayn Maayo!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaadh Ciidan La Igu Saabuugayn Maayo!

"Rag waxaan ku maamuli aqaan, ama ku maamuusi

Mase inaanu nahay oo tolnimo, meerto noo tahaye

Muslin kuma cabiidsamo wallaan, madaxa kaa goyn'e

Masallaha nimaan ii dhigayn, midig ma saaraayo" Saahid Qamaan



Abbaaro 11:40 gadiidnimo, maalin Jimce ah 15kii Octoobar 2021ka; ayaan maqlay cod daaradda guriga ka baxaya oo ka badan kii maalinlaha ahaa. Waxa la leeyahay "Siciid mee?" Iyo "Ma joogo". Qolalka ayaa mid mid loo eegayaa. Kayga oo u dambeeya ayaa indhaha la soo saaray, "Waa ka halkan ku jira" ayaa la yidhi.


"Siciidow naga fur" ayaa la raaciyay. "Waa ayo?" ayaa aan idhi. "Waa askartii Saldhigga" ayaa la yidhi. Ogaan baa aan ugu idhi "Sharciga aad ku soo gasheen mee? Furi maayo". Waxa ay yidhaahdeen "miyaa aannu jebinnaa?". "Haa" ayaa aan idhi.


Waxa ay codsadeen inaan la furo haddana. "Suga aan maryaha xidho" ayaa aan idhi. Waxa aan xidhay macawis, garan sare, moobilkaygii iyo kabo. Wax hub noqon kara ayaan baadhay. Micir meesha taallay Ilaahay baa iga indha-saabay. Waxa aan soo qaatay bir adag. Albaabkii ayaan furay.


Ilayskii cadceedda ayaan ku daraandaray maaddaama oo aan qol madaw ka soo baxay. laba askari ayay ahaayeen. Midkood waxa uu ahaa wiil 20-30 jir u dhexeeya oo qori sita, ka kalena 50-60 jir ah, waayeel ah oo aan hub wadan ayuu ahaa. Midkoodna derejo ma wadan. Ka yar ayaa ah nagnagle qadhqadhaya, ka kale waayoaragdeggen ayuu ahaa.


Aniga oo ka fogaanaya inay gacanta igu dhigaan ayaannu is dhaafsannay ereyadan kii yaraa ee dhawdhawda hayay:

-Mee sharciga aad igu kaxaynaysaan?

-Waa kan

-I tus

Warqad laaban ayay sheedda fog iga tuseen. Waxa ay diideen inaan akhriyo.

-Idinku raaci maayo wax aanan arkin

-Miyaad nala dagaallamaysaa mise waa aas na raacaysaa?

-Waa aan idinla dagaallamayaa.

"Dibnoo gargariira iyo

Gaangida waxa keenta been" Gaarriye


Warqaddii ayay laabeen. Waxa aan gartay inaan laga gaadhsiin karin waaran maxkamadeed, waayo xalay oo kale ayay xiisaddu cirka isku shareertay oo ay qoyska Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Somaliland igu guudfureen gooddi iyo afxumo iyaga oo i guulaya. Waxa aan kala doortay 5 mirir oo aan dagaallamo iyo ugu yaraan 48 saacadood oo aan sharcidarro ku xidhnaado. Garaadkaygu waa diiday inaan is-dhiibo.


Inta aan birtii ku waabiyay labadii askari ayay gabbadeen, kaddibna waa aan ka dhex baxay. Albaabka dibadda ayaan istaagay. Kii yaraa ayaa qoriga cabbaystay "Soo rid" ayaan idhi. Kii weynaa ayaa ergeeyay. Waxa aan eegay in ciidan kale la socdo. Markii aan arkay inaan askar kale jirin ayaan cagaha wax ka deyay. Maaddaama oo aanay qabin tababar badan igama ay soo daba cararin; kuwo sayn iga jaraya ma ay ahayn.


Gaadhi baraanogos ah ayay wateen oo dibadda taagnaa. Ninka saarnaa waxa uu noqday Khaalid  Shaacir oo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland uu abti ruma u yahay. Wiilkaas oo habeennimadii ii hanjabay waa uu awoodi waayay inuu ballankii fuliyo.


Cabbaar ayaan lugaha maalay. Kabihii ayaa la iga daba keenay. Askartu ma ahayn kuwo ka tirsan Saldhigga New Hargeysa ee ii dhaw.. Kuwo safaari ah oo laga soo ammaanaystay Maxamed Mooge ayay u ekaayeen. Wiilkaas iyo askartaba waan kula xisaabtami sharcidarrada. Anigu ma ahayn dembiile geystay kufsi, dil, dhac iyo dhagar.


Qoyska iyo dadkii iga soo daba orday waxa aan u sheegay inay iska laabtaan. Inta aan jihadii beddelay ayaan xulay Dooxa Maroodijeex ee Hargeysa.


Halkaas waxa iigu iman kara uun libaaxa Jumbo. Wasiirku isaga oo adeegsaday awood leexsan, ma raacin karo mid ciidan. Sidii aan horeba Wasiirku xigeenka Naasir Caydiid ugu idhi ayaan u leeyahay Toorno qof ahaan, qoys ahaan, qaran ahaan, qabiil ahaan iyo qaabnana iima qafaalan karo.

 

W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...