Ruushka ayaa hakad galiyay hawlgalkii uu la lahaa NATO kadib markii saraakiil la caydhiyey

0
Tuesday October 19, 2021 - 08:04:40 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 813
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka ayaa hakad galiyay hawlgalkii uu la lahaa NATO kadib markii saraakiil la caydhiyey

    Khilaafka ugu dambeeyey ayaa yimid kadib markii NATO horaantii bishaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafka ugu dambeeyey ayaa yimid kadib markii NATO horaantii bishaan



Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa Maanta sheegay in Moscow ay hakinayso hawlgalkii ay ka wadday NATO isla markaana ay xidhayso hawl-wadeenkii xidhiidhka milatariga reer-Galbeedka ee Ruushka, khilaaf cusub oo diblomaasiyadeed dartii.

"Waxaan hakinaynaa shaqada ergadeenna rasmiga ah ee NATO, oo ay ku jirto shaqada wakiilkeenna milateri laga bilaabo 1-da November ama waxay qaadan kartaa maalmo kale oo dheeri ah,” ayuu Lavrov u sheegay wariyeyaasha.

Lavrov wuxuu sheegay in Ruushku uu sidoo kale soo afjari doono hawlgalka xidhiidhka ee isbahaysiga oo la aasaasay 2002 laguna martigaliyay safaaradda Belgium iyo xafiiska warfaafinta ee Moscow.

Xafiiska warfaafinta ee ururka ayaa Moscow laga aasaasay 2001 si loo hagaajiyo isfahamka ka dhexeeya NATO iyo Ruushka.

Khilaafka ugu dambeeyey ayaa yimid kadib markii NATO horaantii bishaan ay aqoonsiga ka xayuubisay siddeed xubnood oo ka tirsan howlgalka Ruushka ee isbahaysiga, iyagoo ku tilmaamay "saraakiil sirdoon Ruush ah oo aan la shaacin”.

Xoghayaha guud ee gaashaanbuurta NATO Jens Stoltenberg ayaa xilligaas sheegay in go’aanka shaqada looga eryay wakiillada Ruushka uusan "la xidhiidhin dhacdo gaar ah” laakiin ma bixin faahfaahin intaas ka badan oo ku saabsan tallaabadaas.

Isniintan, Lavrov wuxuu soo xigtay "dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay” ee NATO, isagoo sheegay inaysan jirin "shuruudo aasaasi u ah shaqada guud”.

Wuxuu sheegay in haddii ay jiraan arrimo deg-deg ah, NATO waxay xidhiidhin kartaa iyada oo loo marayo safiirka Ruushka ee Belgium.

Hawlgalka Ruushka ayaa mar hore hoos loo dhigay, markii toddoba xubnood oo ka mid ah la eryay ka dib markii suntii Novichok ee neerfaha waxyeelaysa 2018 lagu sumeeyey wakiilkii hore ee Ruushka, Sergei Skripal, iyo gabadhiisa iyagoo joogey Britain.


Loading...
Loading...