Lammaane Xafladda Arooskooda Ku Tagay Digsi Weyn Gudihiis

0
Tuesday October 19, 2021 - 07:56:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lammaane Xafladda Arooskooda Ku Tagay Digsi Weyn Gudihiis

    "Arooskii waxa uu isu baddalay mid aan waligiis noociisa lagu fakarin,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Arooskii waxa uu isu baddalay mid aan waligiis noociisa lagu fakarin,"

Sawirro laga soo qaaday lammaane aroos ah oo dhex fadhiya digsi weyn oo dul sabbeynaya biyaha daadka ah ee waddooyinka ku fatahay ee koonfurta Hindiya, ayaa niyadda u dhisay dadka gobolkaas oo ay saameeyeen musiibooyinka ka dhashay roobabka mahiigaanka ah.


Waxa ay u egtahay in aysan jirin wax caqabad ah oo lammaanahan ka hor istaagi karay xafladooda arooska, xitaa daadadka daran ee ku dhuftay tuuladood.



Akash iyo Aishwarya waxaa ka go'neyd in aysan ka baaqanin maalinta weyn ee arooskooda oo Isniintii ka dhacayay xaafadda Thalavady ee ka tirsan gobolka Kerala.


Sawirrada lammaanaha, oo labadoodaba ah shaqaale caafimaad, ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, waxaana la arkayaa iyagoo adeegsanaya digsiga ay doonta ka dhiganayaan.

Roobabka mahiigaanka ah ee ka da'ay gobolka Kerala ayaa sababay fatahaado waaweyn halka meelaha qaarna uu dhulka go'ay.


Wabiyada ayaa qararka jabsaday, buundooyinka iyo waddooyinkuna waxay noqdeen kuwo ay biyaha cagta mariyaan. Meelaha qaar waxaa go'doon galay magaalooyin iyo xaafado dhan.


Goobta uu ka dhacayay arooska Akash iyo Aishwarya, oo ah macbad yar oo ku yaalla Thalavady ayay sidoo kale daadadku u saameeyeen qayb ahaan.


Lamaanahan ayaa digsiga weyn kasoo ergaday xarun kale oo ku taalla iska deegaanka, waxa ayna codsadeen in lagu caawiyo sidii ay biyaha ugu dhaqaajin lahaayeen doontooda macmalka ah ee ka sameysan digsiga cuntada lagu kariyo


Waxaa sawirrada laga arkayaa rag lamaanaha ku riixaya digsiga ay dhex fadhiyaan, xilli ay ku wareejinayeen waddooyinka si ay arooska u galbiyaan.

 

"Arooskii waxa uu isu baddalay mid aan waligiis noociisa lagu fakarin," ayay tiri Aishwarya oo ah aroosadda, mar ay la hadleysay warbaahinta maxalliga ah ee Asianet.

 

Arooskan cusub ayaa sheegay in markii hore ay qorsheeyeen inay sameystaan munaasabad iska yar oo ay kasoo qayb galaan dad kooban oo ka mid ah xubnaha qoysaskooda, balse hadal heynta ka dhalatay arooskooda iyo sawirradooda faafay ayay u arkaan mid aad u xiiso galisay arooskooda, sababna u noqotay in laga ogaado meelo badan oo ka mid ah caalamka.

 

Akash ayaa sheegay in isaga iyo gabadha uu guursaday ay maalinta arooskooda qorsheeyeen muddo ka hor, sidaas awgeedna aysan dooneynin inay dib usii dhigaan.

 

Waxa uu intaas ku daray inay ku adkeysteen fulinta arooska, maadaama aysan ogeyn waxa kale ee dhici kara, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka ee PTI.

 

Mar uu ka hadlayay digsiga ay doonta ka dhigteen ayuu sheegay inuu ahaa waxa kaliya ee ay sameyn kareen maadaama ay howshu ahayd mid deg deg ah.

 

BBC

Loading...
Loading...