Gudoomiye Ciro Oo Ayaan Darro Ku Tilmaamay In Xukuumadu Jeelka Utaxaabtay Araday Mudaharaaday

0
Monday October 18, 2021 - 16:33:40 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Ciro Oo Ayaan Darro Ku Tilmaamay In Xukuumadu Jeelka Utaxaabtay Araday Mudaharaaday

    " Waa tusaale cad, oo horyaalla bulshada, oo bidhaaminaya karti darrada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Waa tusaale cad, oo horyaalla bulshada, oo bidhaaminaya karti darrada"

Hargaysa (HWN) Guddoomiyaha xisbiga  WADDANI, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ku sifeeyay mudaharaadkii ka dhacay dugsiga Sare ee Faarax Oomaar, mid muujinaysa sayaasad xumada lagu haggayo waxbarashada dalka.

 

Guddoomiye Cirro waxa uu sidan ku sheegay war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook.  "Dhacdadii ka dhacday dugsiga sare ee Faarax Oomaar, Sabtidii 16-ka October 2021, oo xarunta guud ee wasaaradda waxbarashada iyo madaxtooyadaba u jirta wax ka yar kun tallaabo, waxa ay muujinaysaa siyaasad xummada lagu hagayo waxbarashada dalka.

 

Waa tusaale cad, oo horyaalla bulshada, oo bidhaaminaya karti darrada iyo maarayn xummadda falcelimaha ka yimaadda go’aan cabasho ka timi arday oo ku sinnaa maamule dugsi oo la beddelay, xalka qudha ee lagu furdaamiyeyna uu ahaa xadhig, xabad, jujuub iyo addeegsi ciidan.

 

In arday ka badan boqol la xidho waa ayaan darro weyn oo muujinaysa lexo-jeclo la’aanta jiilashii mustaqbalka. Waxa aan leeyahay Inta xidhan xorriyadooda dhakhso ha loogu soo celiyo.” Ayuu yidhi guddoomiye Cirro.


Loading...
Loading...