Dulin Daaq Mooyee, Daa Ma Yaqaano ( Abdi-Shotaly).

0
Monday October 18, 2021 - 14:49:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1014
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dulin Daaq Mooyee, Daa Ma Yaqaano ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Bahal Caydhin Ma Daayo, Nina Caadi Ma Baajo .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Bahal Caydhin Ma Daayo, Nina Caadi Ma Baajo .

Marka hore waxan illaahay inooga baryayaa, in uu sanadka cusub ee 2022, uu Rabbi inaga kor qaado Askariga oo aynu far-teena kbaxno " Balaayoo-yinka daafaha aduunka ka dhacaaya iyo cuduradda wareegaaya"  Rabbina inaga qabto kuwa dal-keenii liqay, ee isku dirka iyo foodda isu gelin-teena ka dhex faa'iidda, ilayn waa balaayoo-inka jira'e qaar ja mid ahe. Maamulka askarta " Xaafad-tooyadda" ee ku futeeya hantidda ummadda guriggii " Morgan" dhib ka weyn oo ina haysataa ma jirtee. Waxa jira haddii la sheego, oo lagu cadeeyo qaab-dhaqmeedka ay wax u waddo askarta, dalkii xagga kale ka rogay, ee baabi'iyey dadkii, been ku ceeshka ah, ka xoogsadda mooyee, aan wax kale-ba xukunka u boobin, baa doonayaa in aan maanta halkan idiinku soo taxo, bal intaan dul mari karo. Sidaas oo ay tahay, waxan rabaa in aan halkan ku tilmaamo, qaar dheg qudha wax ka maqla, oo marka la soo hadal qaado ama wax xun oo ay ku kaceen la kashifo, maamulka xukunal-qarqooshka ah ee  " Raggii ma adigaa ka hadhay" Halkii ay qaban lahaayeen, ku andacoodda been aan sal iyo raad mid-na lahayn, taas oo ah reer baa wax la yidhi. Kuwa noocaas ah waxan leeyahay, cid la khaldi karaa ma jirto, ee waan isla og-nahay waxaad ku difaacay-saan, caceed sacab laguma qarin karee. Bal akhristaw ku soo dhawaw astaamaha xun-xun ee aan cinwaanka ku soo sheegay, waa kuwan hoos ku yaala'e.

 

Qaran xumo maxaa u astaan ah:

 

1. Ku dhaqan la'aanta distoorka iyo shuruucda dalka loo dejiyo

2. Caalad-daro baahsan oo qofku ka sareeyo qeynuunka la dhigto

3. Garabeysi iyo eex, musuq-maasuq oo lagu talax-tegay.

4. Xil-gudoon-siinta ku saleysan saami-reereed oo ka durugsan, aqoon iyo karti ku soo soocida xilalka qaran heer kasta po uu yahay.

5. Xatooyada iyo iska'xalaalsiga hantida ummadda, oo  aan loo aabo -yeelayn, weliba la isku ammaano " Wuu ka shaqeystay oo xooluu ka tabcaday, ay faan tahay iyo "Ha naloo geeyo shaqo iyo meel uu wax ka helo"

6. Ka gaabinta in la dhiso hannaan-toosinta iyo maamul-socodka hay'adaha dawlada iyo kuwa gaar ahaaneed-ba, si ay ugu wada adeegaan danaha bulshadda iyo kobcinta dhaqaalaha, si jiilalka dembe uga helo aayatiin wacan.

(7) Caydda hablaha beelaha qaar-kood uu askarigu siduu doono ugu af-lagaa-dooday.

(8) "Raggii ma adigaa ka hadhay" oo si cad u sheegtay in uu yahay "Caaqil beeleed" Cid dafri-kartaana aanay jirin, sababta oo ah isaga baa af-kiisa ka yidhi waxan ahay" Oday Beeleed". Sorry baan u ahay beeshaas, waayo meel buu kaga dhacay, waayo noocaasi beel uma noqon karo, ilayn waxar yar maskax uu ku maamullo ma lahee.

 

Horaa loougu maah-maahay " Bahal caydhin ma daayo nina caadi ma baajo'e" Somaalidda baa waxay waraysatay Waraabaha, dabeed waxay wayeen " Waraabaw adhi maad raaci" siday sheegeen, wuxu ku jawaabay " Ma-daba ka daa" waayo waa barwaaqa-diisii uu weligii raadinaayey xoolo aan laga hor joogin oo uu mansuul ka yahay. Murti kale oo ay Xoola-dhaqatadda isticmaasho baa waxay tidhaahaa " Dulin daaq mooyaane daa ma yaqaano" Kuwa ina hor tubani, muwaadin waa dulin-kaas, wax-ba reebayn. Waa nasiib daro in ay da'yartu ay maanta ku barbaaraan fool xumooyin-kaasi xad-dhaafka ah, arima-haas oo ugu muuqan kara wax toosan, taas-na loo qaato in ay tahay tubta toosan iyo hanaan saxan.Qof kasta waa ku waajib inuu muujiyo wixii dhaliilo jira iyo wixii tal-bixin ah ee uu u arko in ay khalad yihiin, ee uu maamulka askartu ku talaabsa-naayo, fallaw-geedna si wadda jira ah loo fuliyo, siddii looga bixi lahaa, taas oo aan loogu dhaqmin qaab awood adeegsi ah. Waa in uu sharcigu qofka ka sareeyo oo uu u qabto, kii xad-gudbaya ama xil-gudasho xalaal ah laga waayo. Waxan ku soo qoofalay maqaalkan, ummad yahay ma jiraan cid idiin maqani, oo aad isku aamin-taan iyo ceel idiin qodani mid-kood-na, wax idiin hadhay-na haba sheegina. Waxan waalani arimahuu kaga hadlaayey " Tuuladda"  ( wixii uu is lahaa waa khudbad) ee uu beelaha ku kala guraayey, godobta sii dhex dhigaayey, maaha wax-uu-wax ka odhan karo, ama xaajo uu af-kiisa soo mariyo " Ruux mansuul sheeganayaa" Taasina waxay cadayn buux-dda u tahay, in aanu xagga maskax-dda ka dhamayn, ee uu u baahan yahay in la geeyo dhakhar, xukun iyo maamul uu qabto hadal-kiisu ha joogee. Kuwa uu kursiga isugu ruxaa, ee uu wasiiro ugu yeedha-na iyana ha la raaciyo, kuwo caadiya maaha, ilayn way qaban lahaayeen, oo ay sixi lahaayeen haday iyakuba fayaw-yihiine. Mar-koodda hore-ba wuxu soo xusho in isaga ka sii liidata, oo uu ku shaqaysan karo, iyaka uu u maqaar-saaray magac-yadda beelaha, si markay beeli tidhaaho waa khalad waxad wadaa, oo uu u diro si ay lugta ugu qabtaan, beesha gefka tirsatay. Sidaas awgeed, ka fursan mayso in aynu nidhaah-no, na wadda dhaafa " Kab iyo xaar-keed waa la isku tuuraaye"

 

* N.B Bahal Caydhin Ma Daayo, Nina Caadi Ma Baajo .

Qore:- Abdi-Shotay.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...