Xog La Helaa Talo La Helaa : Marka Hore UN Ku Maxay Inoo Qabtaan?
Asalaamu Calaykum
Dalka Somaliland waxaa deggan ugu yaraan 21 Hay’adood oo ay Qaramada Midoobay leedahay oo ay ka mid yihiin UNICEF, UNHCR, WFP, FAO, IOM, ILO, iyo kuwo badan oo kale oo uu xidhiidhiyo xafiiska UN-OCHA ee Hargeysa, waxaa kale oo jira ha’yado badan oo si dadban u hoos tagal lana shaqeeya UN ka. Shaqaalaha ka shaqeeya Xafiisyada UN ka ee rasmiga ah oo reer Somaliland u badan waa tiro ku dhow 400 Afar boqol oo shaqaale ah.
Shaqo noocee ah ayay inoo qabtaan UN ku ?
Ha’yada Qaramada Midoobay hawlaha ay guud ahaan ka qabtaan Somaliland iyo Soomaaliya waa saddex qaybood:
1. Arrimaha Bini-aadamanimada iyo gargaarka (Humanitarian)
2. Arrimaha Horumarinta (Development)k
3. Arrimaha Ammaanka (Security)
Hawlaha ugu badan ee ay Somaliland kala shaqeeyaan waxay 80% u badan yihiin hawlaha arrimaha Binu-aadaminimada iyo Horumarinta
Waxay wax inagala qabtaan arrimo aad u baaxad weyn oo ay ka mid yihiin Caafimaadka, Waxbarashada, Beeraha, iyo arrimo kale oo aad u badan, tusaale ahaan dadka Bara-kacayaasha ah oo Gobol kasta oo Somaliland ah jooga oo lagu qiyaaso inay gaadhayaan Shan boqol oo kun oo qof UN tu waxay siiyaan Raashin iyo lacag bille ah oo ay ku nool yihiin dadkaasi oo magaalo kasta daadsan.
Arrimihii u danbeeyay ee la dagaalanka Ayaxa waxa ay ku bixiyeen lacag badan oo qaybo ka mid ah toos loo siiyay beeralayda, waxa kale oo jira Hay’ado badan oo ka shaqeeya arrimaha Waxbarashada iyo Caafimaadka iyo Biyaha oo Dalka deggan oo ay dhaqaalaha siiso UN ka.
Soomaaliya iyo Heshiiskii cusubaa ee (UNCF)
Heshiiska Shanta Sanadood ah ee ay UN ka iyo Soomaaliya kala saxeexdeen sanadkii hore ee loo yaqaan Sustainable Development Cooperation Framework (UNCF) waxa uu u dhexeeyaa Soomaaliya iyo UN ka. In kasta oo Soomaaliya uu UN ku aqoonsan yahay, hadana taas macnaheedu maaha inaanay Somaliland ka war hayn qadiyadeeda iyo Dawladnimadeeda.
Waxaana jira in UN ku ay heshiis u gaar ah la galaan Xukuumada Somaliland, waana Heshiisyo gaar ah oo si farsamaysan loo diyaariyo oo ka dhexeeya Somaliland iyo Qaramada Midoobay.
TALO;
Muran kasta oo soo
dhex gala Xukuumada iyo Laamaha Qaramada Midoobay waxaa muhiim ah in lagu
dhameeyo qaab Diplomaasiyadeed oo ka fog Warbaahinta. Waxaana lagama maarmaan
ah in Wasaarada Qorshaynta Qaranka ee Somaliland iyo Madaxda Qaramada Midoobay
ay kulan degdeg ah yeeshaan dhakhsana loo xalliyo wixii madmadow ah ee jira,
lagana fogaado wixii dhaawacaya wada-shaqaynta u dhaxaysa Jamhuuriyada
Somaliland iyo Qaramada Midoobay.
Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Bristol. UK
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!