Maxay Baarlamanka Jaamacada Carabta Ka Dhaheen Kiiska Badda Somalia?

0
Sunday October 17, 2021 - 10:00:41 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Baarlamanka Jaamacada Carabta Ka Dhaheen Kiiska Badda Somalia?

    Sidoo kale Baarlamaanka Carabta ayaa sheegay inuu Soomaaliya ka taageerayo dhinaca horumarinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale Baarlamaanka Carabta ayaa sheegay inuu Soomaaliya ka taageerayo dhinaca horumarinta



Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa War kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka iyo Go’aankii kasoo baxay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ee kiiska badda ee u dhexeeyay Somalia iyo Kenya.

War-murtiyeed kasoo baxay shirka Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa waxaa marka hore lagu soo dhaweeyay Go’aankii Maxkamadda Caddaaladda ee ICJ, kaas oo Soomaaliya loogu xukumay dhul-badeedkii ay Kenya ku muransanaayeen sanado badan.

Baarlamaanka Carabta ayaa dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guushii laga saaray kiiskii Dacwada Badda ee muranka gelisay Kenya, balse Maxkamadda ICJ ay dhul-badeedkii Kenya ku doodeysy u xukmisay Soomaaliya.

Sidoo kale Baarlamaanka Carabta ayaa sheegay inuu Soomaaliya ka taageerayo dhinaca horumarinta, amniga iyo dhaqaalaha doorashooyinka, sida uu VOA-da u sheegay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka qeyb galay Shirka Baarlamaanka Jaamacadda.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirka Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ee lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Qaahira ayaa waxaa sidoo kale diirada lagu saaray xaaladda dalal Carbeed oo ay ka jiraan xiisado sida Ciraaq, Lubnaan, Siiriya, Falastiin iyo dalal kale.


Loading...
Loading...