Faliwaali Fudaydkaan, Lixdankii Faqash Doontay, Fogaade Ila Jiitay.

0
Sunday October 17, 2021 - 08:51:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 604
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faliwaali Fudaydkaan, Lixdankii Faqash Doontay, Fogaade Ila Jiitay.

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B]

 TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHA.

 

FALIWAALI FUDAYDKAAN,FAQASH MOODAY WALAAL,

FALADHAN ISKU TAAGAY,KU FOGEEYEY JIDHKAYGA,

FURDAANSHEEN ISKA GOYEY,FA’IIDAN KA MACASHO,

FARXADI IIGA DENBAYSO,FOLXUMADI ISKA MAYDHAY,

FULAHA GEERIDA DIIDEE,GEESIYAASHAYDU KU FAANE,

FOOQAQAY DUMIYEENA,QAAR KA FIICAN LA TAAGYOO,

FINIINKOODII DUQAYNTA,FIRDHADKEENII QAXOONTI,

FICIL BAYNU KA QAADNAYE,FOOJIGNAANTA OGAADA,

FARMAAJO QAAR U ADEEGA,FILIMADAY DHIGAYAAN,

FAHAMSIIYA MABDA’EENA,FIRDHIYOO KA FOGAADA,

FARIINTAYNU DIRAYNAA,INAGOON CIDU FAANINOO,

FAYAWYAY QALBIGEENU,FOODUUN BAY KU JIRAANE,

FAQASH WEEYE U SHEEGA,HAWBA QAATO FADUULE,

WAXA AYNU FILANAYNIYO,FIKRADAA QARANKEENA.

                         ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...