RW Rooble oo sheegay inay bilaabaneyso Doorashada Golaha Shacabka ee Somaliland

0
Sunday October 17, 2021 - 08:34:54 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW Rooble oo sheegay inay bilaabaneyso Doorashada Golaha Shacabka ee Somaliland

    Rooble oo ka hadlay kulan soo dhaweyn ah oo loo sameeyay Ergadii Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rooble oo ka hadlay kulan soo dhaweyn ah oo loo sameeyay Ergadii Soomaaliya



Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in waqtiga ugu dhow ama todobaadka soo socda ay bilaaban doonto doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka gaar ahaan kuwa Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Rooble oo ka hadlay kulan soo dhaweyn ah oo loo sameeyay Ergadii Soomaaliya ee kiiska Badda ayaa sheegay in siyaasiyiinta Sar sare ee Gobolada Waqooyi uu kala hadlay arrinta doorashada Golaha Shacabka, isla markaana uu ka dalbaday inay dedejiyaan.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in habeen kasta uu ku duceysto in doorashada ay u soo geba-gabowdo, iyada oo aysan cidna xag-xageyn, cidna waxba u dhimim, sidoo kale aysan jirin cid dhibaato loo geysto.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu sheegay in doorashada Golaha Shacabka ee Somaliland ay daadihin doonaan Guddoomiyaja Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed loogana dambeyn doono.

Xukuumadda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada kajira dalka ayaa waxaa ay xilligaan kujiraan diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee doorashada Golaha Shacabka, iyada oo dhawaan la xareyn doono Ergada iyo Odayaasha wax dooranaya.


Loading...
Loading...