Maxamuud Xaashi Ma U Tartami Karaa Guddoomayaha Waddani, Haddii uu ku Biiro Shirweynaha ka hor?

0
Saturday October 16, 2021 - 16:05:15 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2372
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Maxamuud Xaashi Ma U Tartami Karaa Guddoomayaha Waddani, Haddii uu ku Biiro Shirweynaha ka hor?

    "waxaan u sheegayaa uun in uu jewi wanaagsan ku bilowday "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaan u sheegayaa uun in uu jewi wanaagsan ku bilowday "

Hargaysa (HWN) Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeyo oo ka mid ah Madaxda Xisbiga Waddani kana tirsanaan jiray Golihii hore ee Wakiillada, ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan wada hadallada u furmay Xisbiga Waddani iyo Siyaasiyiinta uu hoggaaminayo Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi.



Waabeeye, waxa uu xusay in wada hadalladan oo dhawaan furmay ay jewi degan ku furmeen meel wacana marayaan "Wada hadalladaasi Siyaasiyiinta ka tirsan Xisbiga Kulmiye, way noo furmeen, waana mid bilow ah, mana doonayo in aan ka hor dhaco, laakiin waxa aan ku sheegayaa in jewi wanagsan, wada hadalkuna marka uu furmo wakhti ayuu qaadanayaa, waxaan u sheegayaa uun in uu jewi wanaagsan ku bilowday siina soconayo.” Ayuu Maxamed Xaaji Yusuf Waabeeye, oo u warramayey Telefishanka Sahan TV.


Maxamed Xaaji Yusuf Waabeeye, oo la weydiiyey in Maxamuud Xaashi oo ka mid noqon karo ragga Guddoomiyenimada Waddani u tartamaya, waxa uu ku jawaabay "Asxaabteenu waa dimuqraadi, Xisbiga Waddani waa mid dimuqraadi ah, ma jiro wax ka xadidaya qof kasta oo Xisbiga ka tirsan amma mid soo gala inuu u tartamo jagooyinka Xisbiga oo ka guddoomiyuhu ka mid yahay.”


Wargeyska Saxansaxo

Loading...
Loading...