Nin-ba Ficilkii Ha Ka Fooliyo ( Abdi-Shotaly).

0
Saturday October 16, 2021 - 09:48:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 808
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Nin-ba Ficilkii Ha Ka Fooliyo ( Abdi-Shotaly).

    N.B Bal In Uu Hanfade Waalan Yahay, Hadi La'aan-tiisa, Haduu Ku Hirtay Cali Yuusuf-kuu Huqay colaadiiye!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

N.B Bal In Uu Hanfade Waalan Yahay, Hadi La'aan-tiisa, Haduu Ku Hirtay Cali Yuusuf-kuu Huqay colaadiiye!

Waxa la yidhi " Nin waliba halkuu daajiyo hashiisa, buu caana-heedda ka maalaaye" Askariga lka doobinaya " Xaafad-tooyadda" Haduu baadi-goobayaa dhiilkii caanaha ahaa ee uu kibirka ku genbiyey. Allaw ma og-tahay. "Geenyo shaaximan" Oo ku barbar taagnaa markii hadhuubka buuxa uu af-genbi-yaayey, oo odhan kari waayey, waar ka daa oo tello qaado, miyaanad mar labaad soo noqon doonin, baa isna hadeer duufno caqli la'aan ahi ay sitaan. Nin baa wuxuu yidhi, waxan doonayaa in aan is jaro carrabka, bal sidaan wax u cuni karo, waar ka daa baa la yidhi, hadhaw ma helaysid wax " Raashinka hoos dhuunta ugu riixdo" Marka ay ilkuhu calaali-yaane, lagala quusay in uu taladda yeello, oo tiisii buu ku dhaqaaqay. Markii raashinkii ilkuhu ridqeen uu afkii hoos uga degi waayey, soona tufi-waayey " Ilayn carrabkaa wax soo tufee" Buu ku soo noqday dadkii uu tallo iyo wax sheeg-ba uu ka diiday, oo uu ku yidhi kaalaya carrabkii dib iigu rakiba wax-ba iga degi-waaye'e. Waxa loogu jawaabay " Haw fadhiyin carrab kugu soo noqonayaa ma jiree, waataad dhegaha ka furaystay, markaan diyaarka ahayn in aanu khaladka kaa qabano'e. Ka soo maal caqli xumaan-taaddii. Bal-se maxaan u soo qaatay arimaha hoos ku yaala. Kala soco hoos.



Ku darso oo Kaadhkii uu dagaalkii marya-alool iyo kii uu foodka ku boobay 13/11/2017kii, ee ahaa Garxajis baa Somaliya inagu wadda, isna ka gubay oo dib dambe ulama soo bixi karo, dee waa haduu caadi yahay. Askarigu isagaa carrabka is gooyey, ee bal ila eega intan. Maah-maah baa ahayd "Nin-ba ficilkii ha ka fooliyo'e"Habar jeclo miyaanay ahayn tii uu lahaa askarigu "Waa Tuug" Dalkii way xaalifiyeen, oo boob bay ku cadeeyeen, oo waxay noqdeen caydh nagu soo dareertay. intuu ka xidhay ganacsi-gooddii, nooc uu yahay-ba, ka ku ab-tirsadaa ee uu ku sheego Wasiirka arimaha gudaha " Geenyo Shaaximan" Oo isna kula socday sidaas, odhan kari waayey, waar miyaanad beesha food dambe ka rabin, in ay maanta Habar Jeclo dib ugu soo bay-bay-staan miyey meesha ku jirtay. Ilaah ha u naxariisto'e Salaan Carrabay, baa waxa ku jirey tix-diisii Haataaqsi isaga oo la hadlaaya Cali Dhuux " Bal in uu hanfade waalan yahay, hadi la'aan-tiisa, haduu ku hirtay Cali Yuusuf-kuu huqay colaadiiye" Waa sidaase, bal in aan lagu soo dhawaan " Raggii ma adigaa ka hadhay" Maantuu Reerkii uu bud-cadda ku sheegay, gacmaha hoos haystaa, saw sawirku uma eka maah-maah-ddii ahayd " Wan weyni ilaa la gawraco indhi-hiisu cirka ma arkaan" Wuxuu kaga daray in uu sheegto wax qabadkii Madax-weyne Siilaanyo iyo riyaale oo uu yidhaaho aniga baa sameeyey.


Hees ay qaadi jirtey Shan-ka roon, baa waxa ka mid ahaa ereya-deedda " Geyi waaq-la'oo, laga guurey baan, raad goobayaa, caku goor dambee, meela gaadhi-waa, geedi-gaan raroo, godob sidan qabaan, gama diidayoo, nabsi-gaan godlaa i guhaadiyee" Waxa iga gedmeday, oon gees ka maray, gabano aan helloo, cakuyeey galab mahadiyaa." Waxan ku soo af-meeray maqaalkan aakhristaw, Maanta maaha ayaantii uu dib ugu soo noqon lahaayeen labadda askari " Habar Jecllo",Mana ay ahayn kii cod ka dooni lahaa, ee waanay miyir qabin, ee dhakhtar ha loo diro baadhis ah. kuwii reerka u xambaariyey ceebta miyaanay ahayn, intay weliba dhaxal wareeji-yeen Hanti wixii ay lahaayeen, haddii ay ganacsi tahay ( Nooc kaste-ba), shaqaala-hooddii fidh-fidhka loo gooyey, Mujaahidiin-tooddii jeelka laga buuxiyey, misana sidaas oo ay tahay loogu sii daray waa Budh-cad tuug ah, oo siddii ayaxa carrabka mariyey dalka., Isaga oo askarigu maanta ku leh Hargeysa gudaheedda 67 Filo, ninka qaba inan-tiisa Faadumo qasriga uu ka samaysa-naayo Hargeysa uu yahay t5 dabaq, noqona doono ka ugu dheer hargeysa, marka laga tago, Beertii Cismaan Dacas, oo ay ugu xaraysan yihiin 500 oo halaad, 3 riig oo biyo ahi waraabiyaan, iyadda oo dalka ay abaari ka jirto, waxa sii dheer, inta baloodh ee ummadda uu ka qaaday, ee ay ka mid tahay Buurta kala jeexani. Soo dhaaf intaas-ba, oo Wiil-kiisa weyn ee "Heego " U madaxdda ahi, waa ninka Noqday ka ugu taajirsan Bariga Afrika, ka yar ee isna uu ku taxaayey derejadda, wuxu Hargeysa ku leeyey 10 Filo oo aan is aqoonin, qaraabo kiilka hoose ee qoys-kiisa. waxan ku joojiyey su'aasha ah, Askartu haday caadi yihiin ama in uun fekera-yaan " Ma kuwii wakhtigan Habar jecllo dib food u waydiisan lahaa baa? Waa maya ee maskax doodda baan dhamayn, oo waa qof waalan iyo ficiladdii.


* N.B Bal In Uu Hanfade Waalan Yahay, Hadi La'aan-tiisa, Haduu Ku Hirtay Cali Yuusuf-kuu Huqay colaadiiye!


Qore:- Abdi-Shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...