Wadaad ayaa ka sheekeeyey qiso maalin qabsatay wuxuu yiri:

0
Saturday October 16, 2021 - 08:22:38 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1400
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Wadaad ayaa ka sheekeeyey qiso maalin qabsatay wuxuu yiri:

    Markuu aaskii dhammaaday ayey dadkii oo dhami wada dhaqaaqeen oo nin walba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markuu aaskii dhammaaday ayey dadkii oo dhami wada dhaqaaqeen oo nin walba



Maalin ay qorraxdu aad u kululeyd ayaan salaadda duhur kadib masjidka seexday, waxaan soo baraarugey iyadoo qof meyd ah masjidka lasoo geliyey si salaadda janaaso loogu tukado, Waan kacay oo waxaan kaqeyb galay dadkii janaasada tukanaayey, haddana waxaan go'aan saday inaan meydka duugtiisa ka qeyb galo si ajarku iigu dhammeystirmo,Meydka la duugaayo aqoon uma laheyn, balse waxay iga aheyd inaan ku guto waajibka iga saaran qofkaa muslim ah ee geeriyooday.

Markuu aaskii dhammaaday ayey dadkii oo dhami wada dhaqaaqeen oo nin walba howlihiisa kale aaday, laakiin anigu qabriga ayaan ku haray, intaan qabriga dushiisa fariistay ayaan bilaabay inaan meydka u duceeyo anigoo leh:

يا رب هذا ضيف قد جاء عندك ، هذا الضيف لو جاء عندي وأنا لا أعرفه لأكرمته فكيف بك أنت وأنت أكرم الأكرمين ، اللهم اعفر ذنوبه واعف عنه.

Rabbiyow addoonkan maanta adiga ayuu marti kuu tahay, Haddii uu aniga ii iman lahaa isagoo marti ah oo aanan aqoon u laheyn waan marti-soori lahaa, maanta adiga ayuu marti kuu yahay adigoo ah marti-soore midka ugu wanaagsan, Rabbiyow dembigiisa dhaaf oo iska cafi.

Intaa markaan ugu duceeyey ayaan masjidkii ku soo laabtay oo aan xoogaa yara seexday, Waxaan ku riyooday iyadoo uu ii yimi nin qurux badan oo dhar isku joog ah ku lebisan wuxuu igu yiri: sow ma tihid qofkii ii duceeyey?

Waxaan ku iri: adigu kumaa tahay

Wuxuu igu yiri: Waxaan ahay qofkii aad mar dhaweyd qabriga ugu dul duceysay, ducadaada darteed ayuu ILAAHAY iigu dembi dhaafay oo iigu naxariistay.

Rabbi nooma waayo dad qalbi fiican oo iyagoo aan na aqoon noo duceeya.

Qalinkii: Mustaf Awil hassan


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...