Nin 35 luuqadood ku hadla

0
Saturday October 16, 2021 - 08:12:48 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 941
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin 35 luuqadood ku hadla

    Waana taas arrinta u fududaysay inuu barto afaf kala duwan, luuqadaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waana taas arrinta u fududaysay inuu barto afaf kala duwan, luuqadaha
Ninkan dhalinyarada ah oo ku dhashay dalka Jarmalka 1986 dii, magaciisuna waa Sebastian Heine, Wuxuu falsafadda ka bartaa jaamacadda Bon, wuxuuna si caadi ah ugu hadli karaa 35 luuqadood oo caalami ah,
Arrinkaasi waxaa lagu tilmaamay cabqarinimo iyo caqli badnaan,

warbaahinta dalka Jarmalka ayaa si weyn u falanqaysay arrintan, mar la weydiiyay inuu yahay nin caqli badan, Wuxuu ku warceliay in uusan ahayn nin maskax badnaantaas lagu tilmaamo, balse barashada Luuqadaha ay u baahantahay dadaal iyo dhabar adayg, xifdinta ereyada, naxwaha, iyo jumladaha luuqadana ay tahay mid muhiim ah.


Waana taas arrinta u fududaysay inuu barto afaf kala duwan, luuqadaha uu bartay waxaa kamid ah: Ingiriiska, Faransiiska, Carabiga, Faarisiga, Giriigga, irishka, Uzbek, Pashto, iyo luuqado kale.

Luuqadda pashto oo looga hadlo Afghanistan ayuu sheegay in uu aad u jecelyahay.
Soomaalidu ma laga helaa dad 7 luuqadood iyo ka badan yaqaana?

Imisa Luuqadood baad ku hadli kartaa shakhsi ahaantaada?

Ma ku talo jirtaa mustaqbalka dhow inaad dhowr luuqadood barato oo aad noqoto Luuqad-yaqaan(Linguist)?

W/T: Abdurrahman Caqiil
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...