Bajaajle Daacad Ah Oo Soo Celiyay $50,000 Oo Uu Waddada Ka Helay

0
Saturday October 16, 2021 - 08:10:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bajaajle Daacad Ah Oo Soo Celiyay $50,000 Oo Uu Waddada Ka Helay

    "Waxay ii sheegeen inaan weligey taajir noqon doonin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxay ii sheegeen inaan weligey taajir noqon doonin"

Wiilkan yar oo ahaa bajaajlihii lacag uu waddada ka helay u celiyay haweeney ganacsato caan ka ah dalkaas ayaa sheegay inuu hanjabaado iyo hadallo jees jees ah kala kulmay dadka ka soo horjeeda ficilkiisa.



Emmanuel Tuloe, oo 18 jir ah, ayaa $50,000 (£37,000) dib u celiyay kaddib markii uu maqlay haweeneydii lahayd oo lagu magacaabo, Musu Yancy, oo codsi ka jeedineysa raadiyaha.

Tuloe oo iskuulka uga baxay fasalka 7-aad ayaa ahaa wade bajaaj si uu noloshiisa ugu dabbaro.


Saaxiibbadiis ayaa ku jeesjeesayay markii ay mootadu uga hallowday waddada dhexdeeda iyagoo u sheegaya inuu ku khaldanaa inuu lacagta celiyo.


"Waxay ii sheegeen inaan weligey taajir noqon doonin, waxay ii sheegeen in maaddaama aan celiyay lacagtaas aan ku noolaan doono kuna dhiman doono saboolnimo," ayuu BBC-da u sheegay.


Tuloe ayaa soo qaaday lacagta oo ku duubneyd bac wuxuuna u geeyay eeddadiis si ay u dhigto meel ammaan ah kahor inta uusan maqlin codsiga ay Yancy ka sii deysay raadiyaha.


Haweeneydan ganacsatada ah ayaa bajaajlaha ku abaal marisay lacag iyo waxyaabo kale oo ay ka mid yihiin joodari uu sheegay inuu siin doono ayeydiis.

Tuloe ayaa sheegay in loo hanjabay xilli uu xaflad dabaal deg ah uga qeyb galayay guriga Yancy.


"Waan baxay guriga ayaana ku laabtay sababtoo ah waxaa madasha joogay dad aad uga careysnaa inaan lacagta soo celiyo, xitaa way ii hanjabeen, marka haatan waxaan u baahanahay ilaalo adag,"ayuu u sheegay BBC-da isagoo jooga xaafaddiisa Gbolor Dialla ee ku taalla xadka dalka Ivory Coast.


Wuxuu sheegay in keliya saaxiibbo yar ay ku ammaaneen daacadnimadiisa.

Balse wuxuu awooday inuu ka soo kabto hanjbaadaha iyo dareenka ah inuu ka shallaaynayo go'aankiisa.

Tuloe ayaa bajaajlayaasha kale kula talinaya inay celiyaan waxyaabaha lumay ee ay helaan sababtoo ah "ma oga waxa mustaqbalka u dambeyn doono".


Guddiga ka hortagga musuqmaasuqa ayaa sheegay inay "aad u taabatay daacadnimada wiilkan".


BBC

Loading...
Loading...