Ciidamada Guinea-Bissau ayaa sheegay inay fashiliyeen qorshe la doonayay in lagu afgambiyo dowladda
Taliyaha milatariga ee Guinea-Bissau ayaa Khamiistii ku dhawaaqay inuu aqoonsaday shaqaale milateri oo diyaarinaya inqilaab si ay u afgambiyaan nidaamka dastuuriga ah ee dalkan yar ee ku yaal Galbeedka Afrika.
"Waxaan ku guuleysannay inaan aqoonsanno koox ka mid ah askarta FARP (Xoogagga Hubeysan ee Kacaanka Dadka) kuwaas oo abaabulaya askar iyagoo ku iibsanaaya damiirkooda waraaqaha lacagta si loo jebiyo nidaamka dastuuriga ah ee la dejiyay,” ayuu yiri General Biagué Na Ntan, Madaxa Guud ee Ciidanka, munaasabadda loogu dabbaaldegayo sannad -guurada 47-aad ee ka soo wareegtay markii la abuuray Booliiska Millateriga.
"Askartii lacagta heshay waxay cambaareeyeen kuwii ka dambeeyay falalkan foosha xun,” ayuu raaciyay General Nan Ntan.
Ogeysiiskan ayaa imaanaya isla maalintii uu Madaxweyne Umaru Sissoco Embalo ka tagay Bissau isagoo ku maqan booqasho shaqo oo 48 saacadood ah.
Guinea-Bissau waxaa hore u gumeystey Bortuqiiska waxayna xoroowdey 1974 kadib dagaal dheer oo xoreyn ah, oo uu hoggaaminayey Xisbiga Afrika ee Madax-bannaanida Guinea-Bissau iyo Cape Verde (PAIGC) oo uu aasaasay Amilcar Cabral, oo la dilay 1973-kii.
Tan iyo markii uu xorriyadda qaatay, waddanku wuxuu soo maray afar afgambi, kii ugu dambeeyay wuxuu dhacay 2012-kii.
Guinea-Bissau waxaa ka dhacay lix iyo toban isku day afgambi iyo isbadallo kale oo dowlada lala beegsaday.