Maxanad Ka Ogayn Khilaafka Badda Somalia E Kenya Ku Qabsatay ?

0
Friday October 15, 2021 - 09:48:21 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxanad Ka Ogayn Khilaafka Badda Somalia E Kenya Ku Qabsatay ?

    W/Q: Mohamed Aden Hassan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Aden Hassan.

Somalia iyo Kenya waa laba dal o jaar ah o dhaca bariga Africa isla markaana aynu jaar nahay siiba Somalia , halkas marka ay marayso Somalia waxan nahay isku dad isku diin isku dhaqan sida daraded wax walba waan ku garab taganahy ka shacab jamhuriyad Somaliland ah e sax noola muuqda.



Somalia iyo Kenya waxa ka dhex tagnaa 10 kii sano e u danbeyay khilaaf dhinaca badda ah o meel adag laysla gaadhay kaas o samayn ku yeeshay labada Dal isla markaana ay guushi iyo lahaanshihi Baddu ay raacen Somalia maadama ay marki horeba ay lahayd balse Kenya damaceedu ahaa ku Qabso ku Qadi mayside.


Sidee ku bilaamay khilaafka labada Dal?

Waxa jiray xeer aag badeed o ahaa in dalku leyahay wixi gaadhsisan 200 mile o biyaha badda ah , sanadki 1997 Bishi march ayaa qaramada madoobay soo saartay codsi ah in dal walbaa cabirka baddisa o ahaa 200 mile ku darsan karo 150 mile o dheered a Taas ay badda ka dhigaysa 350 mile o aag badded waxaana dheera intaas in ay dalka ay xaduudka wadagan dhinaca dhulka iyo dhinaca baddaba in ay hashiis ku ahaadan cabirkaas ka dibna uso gudbiyaan commission 21 ahaa o qaramada madobay u xil saaartay shaqadaas.

 

Halkaas marka ay marayso Kenya waxa ay iska jexetay mapkii 2005 taas o soo lexisay xariiq qalooc ah kana timi dhinaca xaduudka dhulka e Kenya cadiyana xariiqda la ogalyahay waa in ay ka timaado xuduudka dhulka e dalka isla markaana ay si toos ah ula dhareranto Aaga Badda o dhan cabarkisu 360 mile kii hore iyo ka danbaba.


Is jiid jiid dheer ka dib 2009 waxa ahaa dead line ka Qalfoof badeedka e dhamaa 150 mile ka sida daraded 14 dawladood o African ah o ay Somalia ku jirto aya Qaramada madoobey ka codsaday in loo soo diro cid ka caawisa dhamaystirka aaga xaduuda khilafad ka dib aad u dheere dalka Norway ayaa dhex dhaxadiyay iyado o waliba halkaas ay tahay in hadii dawladaha aan ku hashiin xuduud badadeedka laga socon doono o aagas loo aqoonsan doono Marin caalimi ah international Territory Water , Halkaas marka ay marayso labada dawlaood waxa lagu qanciyay in Ay gaadhan MOU (Memorandum of understanding ) Hashiskas o labada dawladood ba u gudbiyeen QM wallow marki danbe barlamaanki Somalia ganafka ku dhuftay o diiday isla markaana dawladi cumar c/rashiid QM kaso celisay , Hashiiskaas waxyabaha ugu muhiimsan waxa ka mid ahaa:


1.       In muran Badeed saamaynaya CONTINENTAL SHELF AND BEYOND uu ka dhaxeeyo labada dal e somalia iyo Kenya.

2.       In ay isla ogaladaan labada dal in commisionka uu eego xogtooda si ay isula jaan qaadan Saddexda Darafba waa Somalia , Kenya iyo Commision ka Badda.

3.       In labada dal ay kawada hadli doonaan aag muranka badda iyo in isfahamku dhaqan Gali doona maalinka la saxeyay.

 

 

Isfahmkan waxa wada saxeeyay dawladda Kenya iyo wasirka qorshaynta iyo iskaashiga caalimiga o ahaa wagaas siyaasi cabdiraxman cabdirshakur warsame o hadda u tartamaya jagada madaxwaynimo nimo e dalkaas Somalia,

 

Dhawr is fahmi waa ka dib dawladda Kenya waxa ay baddi muranku ka tagnaa u dirtay shirkaddo afar ahaa o reer galbeedku lahayeen o qaar ka mida ay Qatar ay saami ku lahayd waxa ayna ka sameyan aag badeedki lagu muran sanaa baadhis shidaal iyo khayraad kala duwan,


Halkaas marka ay marayso xaalku Somalia waxa yimi madaxwyne cusub xasan sheikh kaas o ganafka ku dhuftay shirkadahas isla markaana ku amray in ay isaga baxaan Badda Somalia ka dib shirkadihi way ka huleelen boorsoyinkina meesha waa ka qateen waana iska ga tageen.

 

Xasan sheikh uhuru Kenyatta dhawr jeer wa wada hadleen se waxba waa ka socon waayen , marki ugu danbesay dawlada Kenya waxa lagu marti qaaday in ay casimada Somalia yimadaan o wada xajood iyo is afgarad ay galaan se uhuro Kenyatta waa ka baaqsay kulankaas sababo amni awgood sida ay sheegtay xukumada Nairobi markaas haddana waxaa loo weeciyay dalka Djibouti kulamadi gaar ahaan magalada Jabouti se Kenya waa diiday , halkaas marka ay marayso madaxwayne xasan sheikh dacwadi badda waxa u geeyay maxkamada caddalada e aduunka e Hague o fadhigedu yahay waana xarunta QM e ka baxsan dalka USA xafiiskeedu e kaliya balse Kenya waxa ay ka door biday xeer jajab is jiid jiid dheer ka dib Kenya waa iska ogalatay halkaas marka la marayo xasan waa ku saxsana in u geeyo dacwadda ICJ maadama sharcigu u bahanhay nin itaal daran bal u fiirso inta badan dawladaha xooga ah sida USA inta badan maxkadma waxba ma gayso o wixi dacwadda ah waxa ay ku dhamaysta xoog ama xeer jajab.

 

Iyada oo dacwadu wali taalo ICJ o aan wax natiijo ah la gaadhin ayu yimi farmajo 2017 o madaxwyne noqday isna hawlihi halkibu ka sii waday o waa difaacay wallow u culays kala kulmay dhowr dawladood maadama ay Kenya tahay dal saaxibo badan leh o Diplomaciyadeduan ay aad iyo aad u xogantahay.

 

Ka dib sida aad ula socoten dhawr jeer ayay dib u dhacday kiiska dacwada akhirkii watii Kenya diidi jirtay dacwada maxkamada taal iyo xubin nimada maxkamada ICJ o ay ku biirtay sanadkii 1665.

 

Akhirki 12 OCT 2021 maalin salasa ah sacada geesku afric tahay ayay maxkamadda ICJ ku dhawaqday in aag badadedka lagu muran sanyahay ay ledahay dawladda Somalia wallow ay 12 Mile ay xariiqda qalocisay Maxkamda ICJ sida ay sheegtay o ay uga gol ledahay in aanay Kenya go”doon galin maadama ay xad la ledahay Somalia iyo Tanzania dhinaca dhul iyo dhinac badba taas o ka dhigan in Kenya ay gashay aag xaduded badded o aad iyo aad u yar wallow aanu qiyaas yar ahayna haddana cidhiidhi aya jira haddi aagasi uu mashquul noqdo.

 

Yaa shegan kara  siyaasiyin ahaan guusha Badda ?

 

Si caddalada marka aan u eegno raga libtooda waa la siiya:

 

1.       Shakhsiga kowaad e mudan waa cabdiraxman cabdishakur kaas o saxeexisi u bad badiyay badda Somalia isla markaana wax badan hagajiyay o sababbay manta guushaas isaga o ahaa wasriidka qorsheenta iyo is kaashiga caalimiga ah e wakhtigaas.

2.       Labo waa xasan sheikh sababto ah waxa u geeyay xeer ahaan meeshi ay ku habonayd o ah maxkadama waxa una iska indho tiray xeer jajabkii ay Kenya doonaysay.

3.       Shakhsiga 3aad waa farmaajo kaas o aan badalin wixi ay dawladi hore samesay o ah in aan laga soo celin maxkamdda waana difacay o awood iyo taram ba wa isagu geeyay difaacidda badaas.

 

Maxay Kenya samayn kartaa mar hadii loo xukumay Baddi Somalia?

Kenya o ah dawlad saaxibo badan dunida ku leh o xidhidhkeda caalimiga ah ( International Diplomacy ) xogan yahay siddo kale leh ciidamada ugu adag e badda e bariga Africa sido kale ah dhaqaale xoogan o gobolka ah waxa aynu ka filan karnaa waa:

 

1.    Weeraro toos ah o ay ku duqayso dadka dagan xuduud beenedka sidi horeba u dhacday sidaa daraded waa in ay Somalia xal deg deg ah la timada waliba waxa ugu badan ay adegsan kartaa waa diyaaradaha wax duqeeya.


2.    Waa in ay qabsato aaga badda Somalia loo xukmiyay o ciidamadeeda ay keento xadkaas Somalia waxa ay uga hor tagi kartaa waa in ay keento aagaas badeed ciidamo adag o badda ah o si deg deg ah u yimaada taas o ilaaliya baddaas maadama anay Somalia awood u lahayn difaacista badda iyaga oo waliba hashiis la galaya cidankaas isla markaana dul dhigaya commission la xisaabtama kana ilaaliya khayraadka badda ceegaaga.


3.    Somalia sido kale waa in ay iska jirtaa dagaalka hoosta yaaca sida abaabulka iyo kacdoonada gudaha ah o ay suurtagal tahay in ay Kenya samayso maadama u hirdan jiro.

4.    Waa suurtagal in Kenya agaas u dirto shirkado si aan sharci ahayn ku shaqeeya kuwaas o baadhis shidaal siliideed iyo mid macdanaydaba ka sameya agaas badda waliba si qorsoodi ah.

5.    Waxa kale o ay samayn kartaa beegsi dhinaca siyaasiyinta ah sido kale waxa ay xidhi doonta si deg deg ah xeryaha qaxoontiga e Somali badan ay joogto taas o dawlada Somalia uga bahanaya dibu dajin deg deg ah isla markaana culays wayn noqnaya.

6.    Sido kale waxaa hakad ku iman kara isu socodka labada dawladood dhinaca hawada o diyaradaha iyo dulimaadka toos ka ah ba waa la siyaasaden doona iyo waxyab badan o kale oo soo raaca.

 

Ugu danbayn waa in ay Somalia kiiskan ku wajahdaa isku duubni iyo wada tashi mucaarad iyo muxaafadba isla markaana ay u gucleyaan sidii ay agaas u ilaashan lahayen qaab walba  ka dibna ay ka faa”idaystaan o anay noqon ninkii roodhidu iska ag taalay e yidhi ninki kale walee roodhidi ni aan sida loo cuno aqoon ayay iska ag taala

 

Mahadsanidiin Dhamantiin

TWITTER:       H.E Mohamed Aden Hassan       

Email:   [email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...