Aduunku Waa In Uu Aqoonsado Jamhuuriyada Somaliland Shuruud La'aan.

0
Friday October 15, 2021 - 09:34:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 913
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aduunku Waa In Uu Aqoonsado Jamhuuriyada Somaliland Shuruud La'aan.

    W/Q: Mohamed Dhimbiil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Dhimbiil
Taariikhdu markay ahayd 26 June 1960 kii Somaliland British Protectorate ayaa ka xorowday maamulkii boqortooyada ingiriiska oo ay 75 sanadood u ahaayeen mahmiyad .



1 July 1960 kii waxaa dalka talyaaniga ka xoroobay Italian Somalia oo qaadatay xornimo , isla maalintani waxa midoobay oo dal la yidhaahdo jamhuuriyada Somalia wada dhistay Somaliland British protectorate iyo Italian Somaliland ( somalis under Italian colonial rule ) .


Dawladaasi waxa la isku diiday markii midowgu jiray hal sano oo kaliya , waxaana afti loo qaaday dastuurkii uu dalku yeeshay sanadkii 1961kii , waxaa xusid mudan in dadkii Somaliland dastuurka diideen oo 68% in ka badani ka codeysay , waxaana ay ahayd in aan dastuurkaasi la dhaqan galinin ilaa labadii dal ee midoobay si isku mid ah ugu qancayaan , lama yeelin ee waa la iska watay.


Midnimo soddon sanadood ahayd oo ay gudaha mudadaasi dhaceen , dulmi , cadaalad daro , dagaalo , xasuuq , beegsasho gobolo iyo dad gaar ah iyo wax waliba oo ku qadaf ah dadka Somaliland oo lagu duqeeyey , lagula dagaalamay lagu laayey hantidii , hubkii , magacii , calankii , sharafkii iyo dawladnimadii jamhuuriyadii Somalia oo aduunka oo dhami ka yaabay waxii dhacayey waxaana laga qorey buug badan iyo qoraalo xuquuqal insaan oo aan tiro lahayn , buugtii caanka noqotay waxa ka mid ahaa dawlad dadkeegii la dagaalamaysa buug la yidhaahdo oo caan noqday.


Ka dib waxaa dhacday in dadka jamhuuriyada Somaliland iska xoreeyaan maamulkii ciidamadu gadhwadeenka ka ahaayeen ee arxanka darnaa ee jamhuuriyadii Somalia 1991kii January, waxaana dadka jamhuuriyada Somaliland isla qaateen 18 May 1991kii in ay dib ula soo laabteen dawladnimadoodii 1960kii .


WAA MAXAY SABABTA CAALAMKU IN UU SOMALILAND KU QIIMEEYO SHURUUD LA'AAN AY TAHAY ?


Markii dawladii kalitaliska ahayd ee jamhuuriyadii soomaaliya burburtay waxaa shir loogu qabtay jabhadihii ka soo horjeeday maamulkaasi ee talada ka tuuray dalka jamhuuriyada Djibouti , waxaa xusid mudan in aan SNM oo Somaliland qabsatay aanay kaligeed goob joog aheyn shirkaasi oo ay cadeeyeen mawqifkooga ah in ay dawlad gaar ah noqdeen.


Somaliland soddon sanadood oo dhinacii kale ee jamhuuriyadii Somalia dib u dhis iyo dawlado caalamku u waday marna qayb kama noqon ee dawladnimadeeda ayey dhisatay waxaana ay noqotay dal dimuqaradi ah oo ka soo dhex muuqday Gobolka Geeska Africa ee dagaalada , dawlad la'aanta , cudurada, gaajada , argagixisada iyo tahriibka dadku u noqdeen bartilmaameed lagu aqoonsado.


Caalamku waxa uu culeys ku saaray Somaliland in ay la hadlaan dhinacii kale ee dawlada ku mideysnaan jireen ee soomaaliya sanadkii 2012 kii , waxaana uu arinkaasi ahaa gef iyo meel ka dhac lagu sameeyay jamhuuriyada Somaliland.

Sababta oo ah ;


1- Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal dhisan oo dawlad iyo wax walba oo qaran leeyahay leh ayaa la hadlay dad aan meel ay maamulanaa jirin iyaguna aan dawladnimo heshiis ku aheyn.


2- Jamhuuriyadda Somaliland cidda ay la kulmayso ama wadahadalku ku dhexeeyo ee waagii hore ay wax isku darsadeen may aheyn jamhuuriyad la yidhaahdo jamhuuriyada federaalka Somalia oo 5 maamul goboleed iyo madaxwayne muqdisho jooga leh , ee waxaa wax isku darsaday markii hore laba maamul dawladeed oo xaalado isku mid ah ku jira iskuna duruuf ahaa.


3- Maanta oo ugu dambeeyay waxa wax iska badeleen qaabkii juquraafi ee dalkii Somaliland ay wada dhisteen jamhuuriyadii Somalia ( Somali Republic) .


4- Aftida distoorka ee ay dadka jamhuuriyada Somaliland ee 2001 oo 97% ugu codeeyeen ogol iyo in ay yihiin dal ka madax banaan jamhuuriyadii Somalia .


5- Dastuurkii dadka jamhuuriyada Somaliland ay diideen 1961kii oo ah maraga ugu weyn ee ahaa in ay dhacday midnimo is muquunin ahi oo aan cadaalad ahayni.


6- Xasuuq iyo duqeyn loo geystay dad gaar ah iyada oo lagu beegsanayo haybtooda taasi oo mamnuuc ka ah shuruucda xuquuqda aadamaha , kuwa qaramada midoobay iyo kuwa caalamiga ahba.


Intaasi marka laga yimaado hadii Soomaaliya ka guurtay nidaamkii Somaliland iyo Somalia ku midoobeen oo ay u guureen qaab federaal , dalkii Somaliland la midoobayna uu maanta juquraafi ahaan is-badel ku yimid markii badii loo garoocay Kenya , waxaa ay jamhuuriyada Somaliland mudan tahay in caalamku shuruud la'aan ku aqoonsado.



Mohamed Dhimbiil
Mohamed Abdi Jama
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...