Pakistan Oo Shacabkeeda Ku Boorinaysa Inay Cuntada Iska Yareen Iyo Sababta

0
Tuesday October 12, 2021 - 08:40:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1074
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Pakistan Oo Shacabkeeda Ku Boorinaysa Inay Cuntada Iska Yareen Iyo Sababta

    "Miyaynaan intaas oo kaliye u huri karin dalkeenna"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Miyaynaan intaas oo kaliye u huri karin dalkeenna"

Wasiirka Federaalka Arrimaha Kashmir ee dhanka ay maamusho Pakistan Cali Amiin Gandapur, ayaa kula taliyay shacabka reer Pakistan inay iska yareen cuntada ay cunayaan.

 

Wasiirka ayaa khudbad uu ka jeedinayay kulan ka dhacay Kashmir dhanka ay maamusho Pakistan ku sheegay in xaaladda sicir bararka ay aad u sii kordhaysa.

 

Waxa uu sheegay in haddii qofka uu cuno wax ka yar intii uu horay u cuni jiray ay dalka ka badbaadin ka karto xaaladda sicir bararka ee hadda ku jiro.

 

"Miyaynaan intaas oo kaliye u huri karin dalkeenna, isku-tiirsanaanteena ayaa wax walba ka weyn?" ayuu yiri.

 

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa hadalka wasiirka aad u dhalleeceeyay iyaga oo aad u faafinayay muuqaal la duubay xilli uu wasiirka khudbad jeedinayay.

 

Hase yeeshe, ma ahan markii ugu horreysay ee wasiirada dadka ku booriyaann talo sidaan oo kale ah oo waxaa goor aan fogeyn sida uu haatan ku taliyay Amiin oo kale dadka ku boorriyay Riyaz Fatyana oo ah xubin ka tirsan xisbiga NA ee haya talada dalka Pakistan.

 

BBC


Loading...
Loading...