Wasiirkii Amniga Oo Is Casilay.

0
Thursday October 07, 2021 - 19:09:45 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1437
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii Amniga Oo Is Casilay.

    Qoraaal uu Bartiisa Facebook Ku Daabacay ayuu Ku Yiri......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraaal uu Bartiisa Facebook Ku Daabacay ayuu Ku Yiri......


Wasiirkii Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa si rasmi ah isaga Casilay Xilkii Wasiirnimo wuxuuna Warqadiisa Iscasilaada goordhow u gudbiyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor sida uu ku shaaciyay bartiisa Facebook.

Fiqi ayaa sheegay in ay Qoorqoor isku Khilaafeen qaabka loo wajahayo Ahlusunna.


Qoraaal uu Bartiisa Facebook Ku Daabacay ayuu Ku Yiri......


Maantay waxaan madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka wasiirka amniga Galmudug, ka dib markii aan isla fahmi weynay qaabka loo wajahayo khilaafka isaga iyo ASWJ u dhexeeya, ee uu asagu doortay wadada dagaalka iyo colaad Galmudug ku reebaysa mahadhooyin danbe, asagoo adeegsanaya ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey kuwaasoo wax talo ah mas’uuliyiinta GM ama wasaaradda amnigu aysan ku lahayn, aniguna aan u soo jeediyey wadada wadahadalka iyo dagaal la’aantu in ay ka sahlan tahay, ka dhib yar tahay, kana guul badan tahay middaas iyo sidoo kale in argagixisada Shabaab la dagaalankooda aan xoogga saarno una jihayno gulufka socda dhankooda.

Wixii faahfaahin ah waxaan ku sheegi doonaa shir jaraa’id oo aan dhowaan qaban doono ugana hadli doono xaaladda cakiran ee Galmudug ka taagan, fariinna aan ugu diri doono waxgaradka Galmudug ee samaha jecel.

Waxaan si guud ugu mahadcelinayaa hey’adaha Dawladda Galmudug iyo madaxdooda, shacabka dulqaadka badan, si gaar ah hawlwadeenada wasaaradda amniga iyo ciidamada qaranka iyo kuwa daraawiishta Galmudug ee aan sida wanaagsan u soo wada shaqaynay ee qaarkood ku sugan yihiin dhufaysyada hore ee argagixisada lagula dagaalamayo, iyo sidoo kale deeq bixiyaasha Soomaaliya iyo hey’adaha caalamiga ah oo si weyn noo garab taagnaa.

Allaha ilaaliyo Galmudug & dadkeeda.
Loading...
Loading...