Saxaafadda Kenya oo ka aamustay fadeexada Uhuru Kenyatta & qoyskooda dul hoganey ee uu kashifay wargayska Pandora?

0
Thursday October 07, 2021 - 10:37:58 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saxaafadda Kenya oo ka aamustay fadeexada Uhuru Kenyatta & qoyskooda dul hoganey ee uu kashifay wargayska Pandora?

    Dhowr warbaahin oo ajnabi ah ayaa kashifay sida warbaahinta maxalliga ah ee Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhowr warbaahin oo ajnabi ah ayaa kashifay sida warbaahinta maxalliga ah ee Kenya


Saxaafadda Kenya ayaa lagu eedeeyey inay si xun u tebiyeen fadeexadii uu daabacay Pandora ee dhawaan shaaca ka qaaday dhaqamada Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

 

Dhawaan ayay ahayd markii la kashifay lacagta faraha badan ee qoyska Uhuru Kenyatta ay ku kaydsadeen akoonnada dibedda taasoo walaac weyn ku abuurtay Kenya, gaar ahaan doorka xirfadlayaasha warbaahinta maxalliga ahi ay ka qaateen tebinta warkaa oo gebi ahaan ahayd mid laga aamusay.

 

Dhowr warbaahin oo ajnabi ah ayaa kashifay sida warbaahinta maxalliga ah ee Kenya ay uga aamuseen inay tebiyaan wararka Pandora. Waxayse ku andacoodeen inaysan jirin cadaymo ku filan inkasta oo si waadax ah daboolka looga rogey oo la kashifay dhaqamda musuqmaasuqa ah ee ay ku kaceen qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashii hore iyo kuwa hadda oo Uhuru ugu tunwayn-yahay.

 

Kennedy Wandera oo ah madaxa warbaahinta Afrika ee Debadda ayaa arrintan ku xidhiidhiyay lahaanshaha warbaahinta Kenya ay leeyihiin dadka siyaasada iyo musuqmaasuqa ku dhex jiraa.

"Tiro ka mid ah ururada warbaahinta Kenya waxaa leh siyaasiyiin. Markaa siyaasiyiintu dhab ahaantii waxay ilaaliyaan albaabka ama waxay u oggolaadaan waxa ka soo baxa albaabkaas. Markaa haa, waxaa laga yaabaa inay run tahay. Waxaa jiri kara nooc ka mid ah ilaalinta albaabka oo ah in aan waxba laga sheegin madaxda musuqmaasuqu diloodey, ”ayuu yiri Kennedy Wandera, Guddoomiyaha Warbaahinta Afrika ee Debaddu.

 

Wandera oo sii hadlay ayaa sheegay in dastuurka Kenya uusan qofna ka reebaynin inuu yeesho il dakhli oo dibadda ah laakiin tan ay tahay in loo caddeeyo cashuur-bixiyaha meesha laga tabcaday waxan oo maal ah.

 

"Waxaan la hadalnay tiro khubaro ah oo ku xeel dheer arrimaha dastuurka kuwaas oo sheegaya in aysan sharci-darro ahayn in la yeesho shirkad ku taal meel ka baxsan dalka, laakiin sarkaal kasta oo dowladeed waa inuu sannad walba sheegaa dhaqaalihiisa uu na ku wargeliyaa Guddiga Anshaxa iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Kenya, weli lama maqal oo looma sheegin dadweynaha haddii Madaxweyne Kenyatta uu arrintaas u bandhigay Guddiga Anshaxa iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa, ”Wandera ayaa sii raaciyey.

Tusaha musuqmaasuqa ee Kenya ayaa sii xumaanayay sanadihii la soo dhaafay marka loo eego dalalka kale. Dalka ku yaal Bariga Afrika ayaa xoogaa dedaal ah ku bixiyay la dagaallanka musuqmaasuqa laakiin weli, wax badan ayaa loo baahan yahay si gacan looga geysto joojinta musuqan ay madaxdu caadaysatey.

 

La -dagaallanka musuqmaasuqa ayaa waxaa inta badan caqabad ku noqday maamulayaasha Kenya

 

Wandera ayaa qeexay in, "caqabadda ugu weyn ee ka hortaagan in laga suuliyo musuqmaasuqa Kenya ay tahay qabyaaladda maxaa yeelay marka mas’uul sare oo dowladda ka tirsan la soo taago maxkamad, isagoo lagu helay musuqmaasuq isla markiibaa siyaasiyiinta qoomiyadiisu waxay abaabulaan war been ah oo ay gudiga ugu sheegayaan in beelahooda lagu beegsanayo ladagaalanka musuqmaasuqa.”

 

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu jawaab deg deg ah ka bixin doono eedeymahaasi maalmo yar gudahood.

 

Isagoo ka jawaabaya afhayeenka Aqalka Madaxtooyada Kanze Dena, Kenyatta wuxuu sheegay in dukumiintiyadu ay gacan ka geysan doonaan kor u qaadista hufnaanta maaliyadeed.


Loading...
Loading...