Abwaan Daaha Gaas Oo Ka Hadlay Majaajilayste Xamar Tagay Oo Xukuumada Muuse Biixi Xidhay

0
Thursday October 07, 2021 - 08:47:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan Daaha Gaas Oo Ka Hadlay Majaajilayste Xamar Tagay Oo Xukuumada Muuse Biixi Xidhay

    "Madaxweyne Xamar jeclin laakiin tegisteeda iyo xadhigeeda sow in loo sinaado maaha"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweyne Xamar jeclin laakiin tegisteeda iyo xadhigeeda sow in loo sinaado maaha"
Hargaysa (HWN) Abwaan Daaha Gaas oo kamid ah abwaanada Somaliland ayaa Madaxweynaha ugu baaqay in la sii daayo majaajilayste Sacad Murqaan oo xukuumada Somaliland xabsiga u taxaabtay kadib markii uu ka soo laabtay Caasimada Somaliya ee Muqdisho oo uu tagay.


Wuxuuna Abwaan Daaha gaas sheegay in ay Hargaysa joogaan dad xamar tagay oon la xidhin, balse Majaajilayste Sacad Xukuumadu reer ahaan uxidhay, Abwaan Daaha Gaas ayaa yidhi sidan "Madaxweyne Xamar jeclin laakiin tegisteeda iyo xadhigeeda sow in loo sinaado maaha. Madaxweyne waxa Hargeysa nala jooga kuwii tegey ee kasoo noqday lama xidhin waxaanu aaminsanahay in reernimo lagu daayey”

 

Waxaanu intaasi uu ku daray Abwaan Daaha Gaas "Maxay noqonaysaa kii reer Burco ee ay marwada yimaadeen haddii la xidho. Madaxweyne ha lasoo daayo Sacad Murqaan wuxu la kiis yahay kuwa Hargeysa jooga ee iyaba Xamar ka yimi e."

 

Xukuumada Muuse Biixi ayaa intabadan jeelka utaxaabta dadka shacabka ah ee taga Muqdisho.

Loading...
Loading...