Wararkii ugu dambeeyay dadaalo lagu xalinayo Ahlu-Sunna iyo Galmudug oo socda

0
Wednesday October 06, 2021 - 13:29:19 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 830
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay dadaalo lagu xalinayo Ahlu-Sunna iyo Galmudug oo socda

    Xildhibaannada waanwaanta wada oo gaaraya illaa shan ayaa markoodii hore ka soo galay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaannada waanwaanta wada oo gaaraya illaa shan ayaa markoodii hore ka soo galay



Warrarka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo nabadeed oo lagu doonayo in si nabada gacanta dawladda loogu soo celiyo maamulka magaalada Guriceel uu halkaasi ka socdo.

Dhawr xidhibaan oo ka tirsan maamulka Galmudug iyo xubno ka tirsan maamulkii magaalada Guriceel ee Galmudug ayaa u dhaqaaqay dhinaca magaalada si ay ula kulmaan saraakiisha Ahlu-Sunna ee Jimcihii qabsatay, uguna qanciyaan inay si nabada maamulka magaalada ugu soo wareejiyaan maamulka Galmudug, sida aan ka soo xiganay illo wareedyo ku sugan gobolka.

Xildhibaannada waanwaanta wada oo gaaraya illaa shan ayaa markoodii hore ka soo galay maamulka Galmudug dhinaca wadaaddada Ahlu-Sunna, waxayna ka codsadeen maamulka Galmudug in iyaga laga war sugo oo waqti la siiyo si xal nabadeed loogu helo xiisadda ka taagan Guriceel.

 

Dhinaca kale Dhuusamareeb waxa ka socda diyaar garow ciidan oo ay wadaan ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa Dawladda Federaalka kaas oo ay doonayaan inay dib ugu qabsadaan magaalada Guriceel oo Jimcihii la soo dhaafay gacantooda ka baxday.

Illo wareedyo ku dhawdhaw xafiiska Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sheegay in illaa hadda Madaxweynuhu uusan qaadan go’aan dagaal oo ka dhan ah Guriceel, balse uu bixiyay amarka ah in ciidanku galo diyaar garow buuxa.

 


Loading...
Loading...