Midkeenee yaqaano Ninkan? Waana Shaqsi Caan Ka Ah Dunidaan
Ma uusan Guursan laakiin waxuu guursaday aqoon waxayna u dhashay 450 Kitaabo
Ninkani Waa Ninkii Boqor Feysalkii Sacuudiga ka diidday Abaalmarin Dhaqaale oo uu siiyay Isagoo yiri," Aniga kutubadii aan qoray wax aan Ilaah Dartiis ahayn uma qorin ee Diinta ha iga fasahaadinina.
Nus Qarnigii uu Fransa ku noolaa waxaa Ninkan gacantiisa ku muslimay 40 kun oo qof oo Faransiis ah. Waxuu ku hadli jiray 22 luqadood Luuqaddii ugu dambaysay ee Uu bartay isagoo 84 jir ahna waxey ahayd Luqadda Teylan.
Ma uusan Guursan laakiin waxuu guursaday aqoon waxayna u dhashay 450 Kitaabo Cilmi ah oo maanta Dunida laga aqristo lagana Aqrisan Doono Kutubahaas oo uu ku qoray luqado kala duwan. Waxuu kaloo daabacay 937 Maqaalo Cilmiyeed ku qoran afaf kala duwan.
Isaga oo Cilmigaas leh ayuu haddana Ardaydii uu wax bari jiray marka ey isla safraan uu isaga Khaadim u ahaan jiray.
Markii uu abaal -marinta ugu sarraysa ka helay oo Qiima lacageed oo malaayiin ahi ahayd ka helay Madaxweynahii Hore ee Pakistan wax -qabadyadiisii qaaliga ahaa ee taariikh -nololeedkiisii wuxuu ugu deeqay qiimahii abaal -marinta Machadka Daraasaadka Islaamka oo ku yiilay Islamabaad isagoo yiri, "Haddaan abaalmarin ku qaato Dunida laga tagayo dhaxdeeda maxaan ku qaadanayaa Daarul-Biqaa Nolosha Aakhiro ee Aan dhammaanayn.
Ninkan Magaciisu waa Maxamad Xamiidu-Laah oo ka soo jeedo Gobolka Xeydarabaad Ee Hindiya. Waxuu Geeriyooday sanadkii 2002 isagoo 94 jir ah. Allah Yarxamuhu.
W. Turjumay. Saciid Waxgarad
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...