Cosoble: "Hir-Shabeelle 5-sano kaddib waxa ay ku liidataa Amniga & Dib u heshiisiinta".

0
Wednesday October 06, 2021 - 09:15:05 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 710
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cosoble: "Hir-Shabeelle 5-sano kaddib waxa ay ku liidataa Amniga & Dib u heshiisiinta".

    Dhinaca dib u heshiisiinta waxa uu Cosoble Madaxda Hir-Shabeelle ku dhaliilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhinaca dib u heshiisiinta waxa uu Cosoble Madaxda Hir-Shabeelle ku dhaliilay



Madaxweynihii hore ee DG Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo ka hadlay Munaasabad ka dhacday Jowhar oo lagu maamuusayay sanad guurada 5-aad ee Aasaaska Dowlad-Goboleedkaas ayaa hoggaanka talada haya ku dhaliilay in ay ka gaabiyeen Amniga & Dib u heshiisiinta.

 

Cosoble waxa uu dhinaca Amniga ka sheegay in markii uu talada hayay Xildhibaannada & madaxda DG Hir-Shabeelle safar dhulka ah ay isaga kala gudbi jireen Muqdisho iyo Jowhar balse haatan duruufo amni aan lagu dhiiran Karin.

 

"Hir-Shabeelle Hoos ayay usii socotaa balse kor uma socoto, Aniga, Xildhibaanno, Wasiiro & Madaxweynaha haatan oo ku xigeen ii ahaa ayaa kusoo safarnay Jowhar iyo Muqdisho balse haatan malagu safri karaa, Hir-Shabeelle oo jiiseysa ayaan dhex fadhinaa, marka aan sidaas leeyahay deyro ma aha laakiin wax waa laga qaban karaa waa haddii loosoo jeesto” ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle.

 

Dhinaca dib u heshiisiinta waxa uu Cosoble Madaxda Hir-Shabeelle ku dhaliilay in ay ka gaabiyeen, xaaladduna ay taagan tahay heer wax laga qaban haddii ay dhab ka tahay hoggaanka sare ee Dowlad-Goboleedka sida uu hadalka u dhigay.

 

"Hir-Shabeelladii aan soo dhisnay & midda aan joogo waa labo kala duwan, qaladaad badan oo ugu horreyn dhacay dhismaheeda ayaa jira, Dadku waxaa lagu dhisaa (Xaq & Xal), Hir-Shabeelle qoorta ayay isla gashay oo la isma weydiin 5-sanno kaddib maxaa xal ah, Diidmada Dadka Hiiraan ma aha naceybka Madaxweynaha balse waxa ay rabaan isla xisaabtan dhab ah” ayuu yiri Cosoble.

 

Madaxweyne ku xigeenka DG Hir-Shabeelle Yuusuf Dabageed oo isla Munaasabadda ugu jawaabay eedeynta Madaxweynihii hore ee Dowlad-Goboleedkaas ayaa sheegay in shaqsiyaadka dhaliilaya maamulkiisa ay yihiin Dad damacsan dib u dhigista horumarka jira sida uu hadalka u dhigay.

 

"idinma qabato in idinkoo damaashadaa dacwo & dood kale in aan halkaan lasoo istaagno, Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle waxa uu falay oo keliya ayaa ka socda Hir-Shabeelle, haddii uu ku doodayo maxaa Senator la iiga dhigi waayay, isagaba horay ayuu iigu diiday” waa sida uu yiri Yuusuf Dabageed.

 

11-kii November 2020 ayaa la doortay Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen in ka badan 5-jeer waxaa guuldareystay safar uu ku tagi lahaa Gobolka Hiiraan kaddib markii siyaasiyiin diidan Saami qaybsiga Madaxweynaha & ku xigeenkiisa ay is hor istaageen.


Loading...
Loading...