Midowga Musharaxiinta oo shir xasaasi ah Muqdisho ku yeeshay iyo waxa looga hadlay

0
Wednesday October 06, 2021 - 09:07:08 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Musharaxiinta oo shir xasaasi ah Muqdisho ku yeeshay iyo waxa looga hadlay

    Madaxda ayaa sidoo kale kawada hadashay khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble waxaana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda ayaa sidoo kale kawada hadashay khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble waxaana



Waxaa Xalay magaalada Muqdisho kulan kuwada yeeshay xubnaha Midowga Musharaxiinta kuwaa oo in muddo ah aan si fool ka fool ah u kulmin iyadoo kulanka ay dhamaantood xaadir ahaayeen.

 

Kulanka waxaa shir gudoominayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmad ahna hadda gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta waxaana dadka goobjooga ahaa kamid ah: Cabdiraxmaan C.Shakuur, Xasan Sheekh iyo Xasan Cali Kheyre.

 

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dadajinta doorashooyinka iyadoo diiradda lagu saaray habsami socodka doorashada iyo sidii ay u noqon laheyd mid daah furan.

Madaxda ayaa sidoo kale kawada hadashay khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble waxaana markale ay istusiyeen in RW Rooble lagarab istaago islamarkana laga dhiidhiyo damaca indho la’aanta ah ee Farmaajo.

 

Waxaa dhanka kale la faaqiday xaaladda amni ee dalka iyo sidii dalka looga badbaadin lahaa xasaradaha siyaasadeed ee doorashooyinka keeni karto.

 

Kulanka ayaa kusoo aadaya xili la hadal hayo in Sheekh Shariif uu iska casilayo xilka Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya iyadoo wararka aan helnay ay sheegayaan iney isfahmeen Farmaajo oo uu doonayo inuu Plan (B) ka dhigto.


Loading...
Loading...