Hilibka Xoolaha Iyo Halista Caafimaad Ee Uu Leeyahay

0
Wednesday October 06, 2021 - 08:27:12 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1373
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hilibka Xoolaha Iyo Halista Caafimaad Ee Uu Leeyahay

    "waxaan aad u cuni jiray hilibka, markasta oo aan xilliga qadada shaqada ka boxo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaan aad u cuni jiray hilibka, markasta oo aan xilliga qadada shaqada ka boxo"

Ninka lagu magacaabo Suleeymaan waa shaqaalaha rayidka dowladeed oo hawlgab noqday, talaabo qaadkiisa girgiriiska ku jira ayaa meel fog laga soo arki karaa , wuxuuna qabaa xanuun laga qaado hilibka xoolaha oo aad u daran, kaas oo la xiriira dheefshiidka.



Xanuunkan waxa uu ka dhashaa aashito ama dareere aan fiicnayn oo loo yaqaano Purune (afka qalaad), wuxuuna ku jiraa geedaha ay cunaan xoolaha hilibkooda la cuno.,

Waxaa sidoo kale laga helaa hilibka, qamriga, nooc kalluunka ka mid ah, iyo cabbitaanada sokorta ku badantahay.


Hilibka Guduudan iyo Halistiisa

Xanuunka Suleeymaan waxaa la sheegay in uu ka qaaday hilibka guduudan, "waxaan aad u cuni jiray hilibka, markasta oo aan xilliga qadada shaqada ka boxo waxaan cuni jiray hilibka, xitaa waxaan u tagi jirnay kawaanlaha, waxaanan cuni jiray illaa hal kiilo oo hilib ah" ayuu yiri Suleeymaan.


Suleeymaan waa uu ka shalaayaa in uu hilibka guduudan badsaday, balse aad ayay u adagtahay in adiga oo ku nool dal Niger oo kale ah in aad ka dhawrsato hilibka.


Hilibka ayaa lagu daraa dhammaan cuntooyinka dalkaasi laga cuno, iyada oo aad loo dhiirogaliyo in hilibka la badsado.


Sida uu qabo dhaqtar u dhashay dalka Nigeria oo lagu magacaabo Dr Al Xasan Axmadoow, Purine oo keliya ma ahan waxa sababa xanuunka Suleymaan haya, ee sidoo kale waxaa jiri kara xanuuno ku dhaca dhiigga, iyo sidoo kale waxa uu ka dhalan karaa dawooyinka qaaxada marka muddo dheer la isticmaalo.


Xanuunka Suleeymaan ayaa kasii daray, wuxuuna gaaray heerkii ugu xumaa, iyada oo dhiigiisa uu ku dhacay xinjiroow, gaar ahaan laabatiinada xaglaha, taas oo adkaynaysa in uu si wanaagsan u socdo.


Xinjirahaasi waxa kale oo sababaan in uu bararo suulka, waxaana ka dhasha xanuun daran oo gaar ahaan habeenkii ah.


Sidauu sheegay Professor Cabdoow Niyang, xanuunka wuxuu gaari karaa heer aad u daran oo qofka uusan istaagi karin, amaba uusan wax taaban karin.


Xanuunka Suleeymaan waxa kale oo uu ku dhici karaa dumarka, wuxuuna qofka kusoo boodi karaa xilli kasta.

Xanuunkan oo u eg lafo xanuunka ayaa marka uu qofka ku dhoco uusan waligiis hilmaamayn.


Suleeymaan lacag badan ayaa kaga baxday dawada xanuunkan haleelay, isaga oo inta badan iska iibiyay hatidiisii, mana uu haysto wax caymis caafimaad ah.


Dhaqaatiirta waxa ay sheegeen in xanuunka Gaut (sida afka qalaadka lagu yiraahdo) uu yahay xanuun la daweyn karo, waxayna ka bilaabataa in qofka uu ka taxadaro cuntadiisa, islamarkaasna uu dheelitiro.

 

BBC

Loading...
Loading...