Ragga mustaqbalka leh ee ka fakiraya in ay helaan xaas fiican afartaan ayaa kamid ah waxyaabaha ay Haweeneydu ku qiimeeyaan.

0
Wednesday October 06, 2021 - 08:21:05 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1931
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ragga mustaqbalka leh ee ka fakiraya in ay helaan xaas fiican afartaan ayaa kamid ah waxyaabaha ay Haweeneydu ku qiimeeyaan.

    -Gabadha afka gaaban ee aan war badneen, haddii ay hadashana kheyr ku hadasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-Gabadha afka gaaban ee aan war badneen, haddii ay hadashana kheyr ku hadasha



1- Gabar ahlu-diin ah oo xiriirka Alle wanaajisay, sida, Soonka, Salaadda iyo Baryada Alle.

2- Gabar asturan oo aan cowradeeda banaanka keenin. Dumarka jirka iyo qalbiga ka xijaaban waa kuwa ugu quruxda badan oo ay raggu aad u jecelyihiin.

3-Gabadha afka gaaban ee aan war badneen, haddii ay hadashana kheyr ku hadasha ama ka aamusta. War badnida aan ka hadlayo ma ahan tan sheekada iyo kaftan ee seygeeda ee waa tan dhalinyarinimada iyo bulshada dhaxdeeda, waayo raggu ma jecla in xaaskooda Gole kasta taagnaato ama ka doodo.

4- Gabadha aan madaxa adkeen ee wax loo sheegi karo iyadana wax sheegi karta kuna wanaagsan xiriirinta ehelkiisa ama saaxiibadiis isagana tixgelisa aadna u dareensiisa qiimaha uu agteeda ka leeyahay.

Waxaa jiro qodobo kale oo badan oo ay raggu ku doortaan dumarka, balse intaan ayaa ugu muhiimsan.

Hussein Abdulle Mohamed


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...