Dowlad Magdhow Siinaysa Ehellada Dadka U Geeriyooda Covid-19

0
Wednesday October 06, 2021 - 08:19:30 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 975
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlad Magdhow Siinaysa Ehellada Dadka U Geeriyooda Covid-19

    "Waxaan ognahay in dowladdu ay lacag badan ku bixisay maareynta musiibooyinka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan ognahay in dowladdu ay lacag badan ku bixisay maareynta musiibooyinka"

Maxkamadda Sare ee dalka Hindiya ayaa taageertay go'aanka dowladda ee ku aaddan in $-674 oo magdhow ah lasiinayo qoys kasta oo qaf ka mid ahi u dhinto covid-19.



Go'aanka maxkamadda ayaa daba socda codsi ay soo jeediyeen qareenno doonayay in magdhow la siiyo qoysaska iyadoo la raacayo xeerarka maareynta musiibooyinka ee Hindiya u yaalla.


Hindiya ayaa ilaa hadda diiwaangelisay in ka badan 447,000 qof oo u dhintey Covid-19. Balse khubaradu waxay rumeysan yihiin in tirada dhabta ah ee dadka u dhintay cudurka ay ka badantahay tan la shaaciyay 10 jibaar.


Garsoore magaciisa lagu soo koobay Shah ayaa Isniintii sheegay in "qaraabada ugu dhow qofka dhintay" ay heli doonaan magdhow muddo bil gudaheed ah marka la xareeyo arjiga dalbashada magdhowgaas.


Bishii Juun, ayaa qareennadu waxay maxkamadda u gudbiyeen codsigaan, iyagoo markaa ka dalbaday faragelin ku saabsan arrinta magdhowga qoysaska ehelladoodu u dhintaan fayraska karona si aan loo marin habaabin.


Qareennada ayaa sheegaya in tan iyo markii Covid-19 lagu tilmaamay gudaha dalka Hindiya inuu yahay "musiibo" sida uu dhigayo Sharciga Maareynta Musiibooyinka ee dalka, ay xaq u leeyihiin qoysaska dadkooda ku waayay musiibadaan in ay hellaan magdhow.


Sharciga waxaa ku jira tallaabooyin lagu yareynayo dhibaatooyinka soo gaara qoysaska sida dhimashada, dhaawaca iyo burbur hantiyeed,wuxuuna muujinayaa in dadkaasi kabid iyo garab istaag u baahanyihiin.Waxaa kale oo uu sharcigu dhigayaa in dowladdu ay siiso qoysaska lacag 40,000 oo ah lacagta dalkaas.


Garyaqaan Gaurav Kumar Bansal, oo ka mid ah qareennadii gudbiyay codsigaan ayaa BBC -da u sheegay: "Waxaan ognahay in dowladdu ay lacag badan ku bixisay maareynta musiibooyinka, balse waxaan kaloo aaminsanahay inay ahayd inay qoys walba siiso 40,000 rupees. sida uu sharcigu qabo".


Sida laga soo xigtay dowladda federaalka, magdhow ayaa la siin doonaa qoysaska dhibbanayaasha ama qaraabadooda, haddii lagu xaqiijiyo shahaado caafimaad in sababta dhimashadu ay tahay Covid-19, sida waafaqsan xeerarka quseeya. Lacagta waxaa laga bixinyaa miisaaniyadda dowladda gobolka.


Balse ugu yaraan laba gobol oo kala ah Kerala iyo Rajasthan, ayaa sheegay inay ku adkaan doonto inay helaan lacag magdhow ah, waxayna rumaysan yihiin in dowladda federaalku ay ahayd inay bixiso lacagtaas.


Madaxa dawladda gobolka Rajasthan, Gunvind Singh Gottasara, oo warbaahinta gudaha la hadlayay ayaa sidaan ku dooday "Dawladda federaalku waxay lacag ku bixinaysaa kiisaska daadadka iyo duufaannada, maxaysan liiska ugu darin Covid-19?".

 

BBC

Loading...
Loading...