China Oo Sameeyey Qorrax U Gaar Ah

0
Tuesday October 05, 2021 - 11:46:44 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    China Oo Sameeyey Qorrax U Gaar Ah

    Li Miao, Agaasimaha Waaxda Fiisigiska Ee Jaamacadda Southern University Of Science

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Li Miao, Agaasimaha Waaxda Fiisigiska Ee Jaamacadda Southern University Of Science



China Ayaa Ku Guulaystay Hirgelinta Qorrax Aadame Sameeya Ah Oo Ka Daboosha Baahiyihii Tamarta Oo La Mid Ah Kuwa Qorraxda Laga Helo. Qorraxdan Oo Laga Sameeyey Isla Falgal Nukliyeer Ayaa Ay Dawladdu Ugu Talagashay In Dalku Uu Ka Helo Tamar Joogtaysan Oo Metelaya Qorraxda Dabiiciga Ah. Sida Ay Ku Warrantay Shabakadda Phys. Org Samaynta Qorrxdan Ayaa La Sheegayaa In Dalka China Uu Ku Bixiyey Lacag Ka Badan 27.5 Bilyan Oo Doolarka Maraykanka Ah.

Qorraxdan Aadame Sameesga Ah Oo Weli Ku Jirta Bilowgii Hore Ee Hawlgalkeeda Ayaa Heerka Tamarta Ay Soo Saaraysaa Uu Mar Kale Sii Kordhay, Isaga Oo Dhaafay 120 Bilyan Oo Digree.

Li Miao, Agaasimaha Waaxda Fiisigiska Ee Jaamacadda Southern University Of Science And Technology Oo Ku Taalla Degmada Shenzhen Ee Dalka China Ayaa Mar Uu Sharraxayey Qorraxda Cusub Ee Ay Soo Saareen Waxa Uu Sheegay In Horumar Muhiim Ah Ay Illaa Hadda Samaynayaan, Dadaalka Ugu Badan Ee Ay Hadda Wadaanna Uu Yahay Sidii Uu Heerkulku U Noqon Lahaa Mid Aan Is Bedbeddelin Muddo Dheer. Si Kastaba Ha Ahaato Ee Waxa Ay Cilmibaadhayaashu Sheegayaan In Qiyaas Ahaan 30 Sano Ay Qaadan Doonto Dhammaystirka Iyo Dhab In Laga Dhigo Teknoolajiyadan.



W/Q/ deck Suni Kaskey

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...