Dhamayso qoraalka hubaal waxbadan ayaad ka faaideysaa

0
Tuesday October 05, 2021 - 11:20:01 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhamayso qoraalka hubaal waxbadan ayaad ka faaideysaa

    Lama yaabin, Laakin waxaan la yaabay. Adaaba yaabi Doontide.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lama yaabin, Laakin waxaan la yaabay. Adaaba yaabi Doontide.



قال تعالى :

﴿ وَأَمَّا الَّذِينَ كَفَرُوا فَيَقُولُونَ مَاذَا أَرَادَ اللَّهُ بِهَٰذَا مَثَلًا ﴾

قال تعالى :

﴿ إِنَّ اللَّهَ لَا يَسْتَحْيِي أَن يَضْرِبَ مَثَلًا مَّا بَعُوضَةً فَمَا فَوْقَهَا ﴾

Markii aan arakay Culumadii Sayniska ee Caalamku waxa ey la yaabeen oo ey Qur'aanka ku arkeen, waxaan isku dayay in aan dib u akhriyo, waxa Qur'aanku uu ka sheegay Kaneecada, kadibna waxaan baadi goobay Qoraalo badan ee la xiriiro Aqoonta Kaneecada, si aad Adiguna uga faa'iido.

A) Lama Yaabin. ( F.S: 1& 2aad)

1. Hal mar ayaa Qur'aanka lagu sheegay Magaceeda, waana tan dhidig.

2. Waxa Madaxeeda ku yaal 100 indhood oo ey wax ku aragto.

3. waxaa Afkeeda ku yaal 48 ilkood.

4. waxa ey leedahay 3 Wadne oo dhameystiran.

5. Sankeeda waxaa ku yaal 6 Mindiyood "Knives" mid kastana si gooni ah ayey u isticmaashaa.

6. Dhinac kasta waxa ey ku leedahay 3 Baal oo ey ku duusho.

7. Gudaha Jirkeeda waxa ey ku leedahay Raaje " X-RAY machine" kaa oo u kala soocayo Maqaarka Dadka Wakhtiga mugdiga ah, iyada oo isticmaalee "violet colour".

8. waxa kale oo ey leedahay Dareen dhumiye "Anaesthetic" ey ku shubto jirka Dadka si uuna u dareemin marka ey tubadeeda dhiig dhuuqa ku mudee.

9. Waxa ey leedahay qalab ey ku baarto kuna xulato Dhadhanka Dhiiga "an instrument for blood test" sababta oo ah ma jeclo dhiiga oo dhan, mid gaar ah ayey rabtaa.

10. Waxa ey isticmaashaa hab dedejinayo socodka dareerinta dhiiga si ey dhakhsi ugu dhuuqdo.

11. Lama yaabin in Cumriga Kaneecadu yahay 7ba Cisho, in kasta oo la yiraa Kaneecada Lab, qaar ayaa noolaa karo 10-20 Cisho, kuwa Dhidigna Qaar ayaa noolaa karo ilaa 100 Cisho.

12. Kaneecada Dhidigu markeey dhiiga dhuuqdo 2-3 Cisho ayeey nasataa, inta eynan Ukunta dhalin, dhiigana waxa ey u dhuuqee in ey ku nafaqeyso Ukunta inta eyna dhalin.

13. Waxa ey jeceshahay Dhiiga Haweenka Uurka leh sababta oo ah "Metabolic rates" keedu waa ka sareeyaa kan Haweenka aan Uurka leheyn. Waxa ey Dadka ka nuugtaa 0.01 -0.001 Mililiters oo Dhiig ah.

14. Maalinta Kaneecada Aduunka ayaa loo aqoonsaday 20 August. waxaana Aduunka ka Jiro 3000 nuuc oo kaneeco ah badankoodu wax dhibaataa male. Faa'iidada Kaneecada Lab iyo dhidigba waxaa ka mid ah bacriminta Ubaxa dhirta oo ey ka qeyb qaadato.

15. Baalasheeda waxa ey dhaqdhaqaajisaa 500 jeer halkii il biriqsi, taa Shimbirihu ma samey karaan, waxa ey u dhaqdhaqaajisaa, si ey u sameeyso Shanqarta kaneecada. taa oo mar mar loo isticmaalo soo jiidashada Kaneecada kale, Labka ey xulanee tan Dhidigi,waa kan Baalashiiso ey sameeyaan Shanqarta ugu wanaagsan.

16. Waa noolaha ugu badan Aduunka oo dhan ee Dilo Beni aadamka, in kasta oo hadda ey yaraatay khatarteeda oo Malaayin Qof ey hore u dili jirtay Kaneecadu Sannadkiiba ( F.S: 3aad).

Tira koobtii ugu Dambeeysay ee Sanadkii2018 kaneecadu waxa ey dishay750,000 Qof. Beni Aadamkuna isladhaxdiisa waxa uu Sanadkaa iska dilay 437.000 Qof. Masaskuna 100,000. Eeyuhuna 35.000. tisxiga "tsetse flies" 10,000.Gooryaanka "Ascaris" 4.500, Yaxaaska 1000 Qof. Gooryaanka "Tapeworm" 700 Qof. Maroodiga 500 Qof, Jeerta 500 Qof. Libaax 22 Qof oo kaliya. Sidaa ayeey kaneecadu 2018 ilaa hadda u tahay dilaaga ugu weyn ee Beni aadamka.

17. Qur'aanka waxaa lagu sheegay Caaro, Duudo, Quraansho, Shini, Sac, Maroodi, Gaaladdii Reer Qureesh ayaa ku jeesjeestay. Maxaa kitaab la leeyahay Samaduu ka soo degay,Kaneeco loogu sheegayaa oo wax ka muhimsan loogu sheegi waayay, waxa ey ka fiiriyeen Kaneecada Muuqaalka ee kama fiirin Macnaha looga jeedo. waxaa soo degtay Aayadda :

قال تعالى :

﴿ وَأَمَّا الَّذِينَ كَفَرُوا فَيَقُولُونَ مَاذَا أَرَادَ اللَّهُ بِهَٰذَا مَثَلًا ﴾

???? waxa aan la yaabay.

Tan iga yaabisay waxa ey tahay.

قال تعالى :

﴿ إِنَّ اللَّهَ لَا يَسْتَحْيِي أَن يَضْرِبَ مَثَلًا مَّا بَعُوضَةً فَمَا فَوْقَهَا ﴾

Aayadda ayaa leh: Allaah kama xishoon/ Gaabsan in uu Tusaaleeyo Kaneecad iyo waxa Dusheeda ah.

Aayadda Qur'aankuwaxa ey ka hadashay Kaneecada Dhidig " Bacuulatu " Tu" waa Taa'u ta'niith . Aayaduu waxa kale oo ey leedahay "Foowqahaa" . "Haa" waxa ey muujinee Dhidig oo lama dhihin "Foowqahu" "Hu" oo lab muujin leheyd.

C. Yaabka yaabkii

Tan ugu yaanba badan. Aayadu waxa ey leedahay: famaa foowqahaa, ( waxa Dhusheeda ah). Taa oo Culumida qaar Wakhtiyadii hore ay ku macneeyn jireen Noolaha ka waaweeynkaneecada ee Qur'aanka tusaalaha loogu soo qaatay sida: Maroodiga, Geela, Iwm.

Hadda markii La soo saarayQalabka Casriga ah ee aad iyo aadka Boqolaal jeer u weeyneeyo muuqaalka Noolaha yar yar si loo arko ayaa.....

Hadaba maxey yihiin waxa dul saaran kaneecada ee ilu ma aragtada ah?

Waxaa la ogaaday oo la Arkay in Kaneecada uu Dul saaran yahay, Noola kale oo aad u yar oo iyada ku sii dul nool, iyadana dhiiga ka sii dhuuqo. "Microscopic insect".

Miyeeyna aheyn Mucjisada Qur'aanka ee Kalmadda "Famaa Foowqahaa".. waxa Kaneecada Dul saaran ee Naloo sheegay ka hor 1400 Sanno, iyada oo uuna jirin qalabka aan Maanta ku ogaanay, in Maanta la arkay Noolahaa ku sii dul nool kaneecadii yareed.

Awooda iyo Uunka Alle ayaa noogu filan Mucjiso, Qur'aanka ayaa noo soo koobayo Cilmi aan naqaan iyo Mid aanan Aqoonba. Alloow, Qur'aanka kuwii Barta kuna Camal falo naga dhig. Aamiin.

FG: Wixii aan ka khalday iga sax wixii ka dhimanna ku dar.



Qore: Yahya Amir

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...