Xasuuqii uu Janaraal Caydiid u Geystay Raxan-weyn iyo siday Puntland u layso, Soomaalilaan umay layn.

0
Tuesday October 05, 2021 - 09:39:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasuuqii uu Janaraal Caydiid u Geystay Raxan-weyn iyo siday Puntland u layso, Soomaalilaan umay layn.

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Janaraal Caydiid oo adeer u ahaa Raysal wasaaraha Soomaaliya ee haatan wuxuu dawladdiisii Sal-ballaadh ku dhawaaqay 18/6/1995. Waxa aanay ka koobnayd hoggaankii jabhadii USC/SNA ee uu hogaaminaayey Janaraal Caydiid. 17/9/1995 si uu awoodiisa milatari u tijaabiyo wuxuu weerar saf ballaadhan ah uu ku qaaday maamulkii beelaha Raxan-weyn oo fadhigoodu ahaa Baydhabo. Maleeshiyadii Janaraal Caydiid uu hogaaminaayey ee USC/SNA ayaa cagta marisay dhammaan ciidamadii beelaha Raxan-weyn oo ay ugu tun weynaayeen Digil iyo Midhif.



Waxa fara cididood kaga baxsaday hogaamiyihii maamulka Raxan-weynta oo la odhan jiray Xasan Sheekh Ibraahin (Xasey). Waxa ay maleeshiyadaa Caydiid horkacayey ee ka soo qamaamtay gobollada dhexe ee Soomaaliya, waxa aanay gobolada Bay iyo Bakool ka geysteen xasuuq aan weligood loo geysan. Kufsi wadareed iyo dilal boqolaal qof oo aan loo aabo yeelin ayaa labadaa gobol ay ka geysteen maleeshiyadii Janaraal Caydiid. Raysal wasaaraha Soomaaliya ee haatan ha loo sheego in aanay Soomaalilaan u xasuuqin Raxan-weyn sidii uu adeerkii u xasuuqay.


= Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa 14/6/2021 waxa ay xukun dil ah ku fulisay 18 eedaysane oo dhammaantood ka soo jeeda deegaannada Koofnur galbeed ama Raxan-weyn ah, kuwaasi oo lagu eedeeyey inay yihiin Al-Shabaab.


= 17/10/2020 waxa ay maxkamadda ciidamada Puntland xukun dil ah ku fulisay 40 ka mid ah eedaysaneyaal ka soo jeeda beelaha Raxan-weyn oo dhammaantood lagu sheegay inay Al-Shabaab yihiin.


Waxa aynu soo qaadanay saddexdaa dhacdo ee taariikhaha ku sugan, way se ka badan yihiin inta qof oo Raxan-weyn ah oo ku maqan gacanta Caydiid iyo Puntland. Haddaba Soomaalilaan oo si nabad ah baabuur u saartay shicibka Raxan-weynta ah ee markii la soo baadhay lagu ogaaday inay qayb ka yihiin falalka ammni darro ee ka dhaca Laasacaanood, maxaa looga qaylinayaa? Jawaabta way caddahay waana cadaawadda loo hayo Soomaalilaan.


Cali Cabdi Coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.  

[email protected]

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...