Dadka Laga Raafay Laascaanood Waa Dhacdado Sharci Jabin Iyo Aqoon Darro Ah

0
Monday October 04, 2021 - 08:18:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka Laga Raafay Laascaanood Waa Dhacdado Sharci Jabin Iyo Aqoon Darro Ah

    Assalamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Assalamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu

Waxaan runtii aad uga xunahay dadka laga raafay Magaalada Laascaanood ee iskugu jira Maatida, Caruurta, Hooyooyinka, Waayeelka iyo Ganacsatada ee sida Islaaminimada, Soomaalinimada iyo Bani aadnimada intaba ka baxsan loola dhaqmay. Dadkani waxay ahaayeen dad deegaanadoodii duruufo iyo nabadgalyo darro ka keentay oo dhibaataysan. Arintani waa arin raadxun iyo cawaaqib xumo reebaysaa, taariikh xuna ku reebaysa Dawlada Somaliland iyo Cidkastoo ku taageertay hadaan wax laga qaban, muujinaysana xishood la'aanta, naxariis darrada iyo aqoon la'aanta Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Laamaha amniga ee Somaliland ka muuqata.

 

Eeda kowaad waxaa iska leh dadkii ka dambeeyay dilalka qorshaysan ee sida naxariis darrada iyo fulaynimada ah ku laayay Madaxdii Somaliland ee Sirtoonka Amniga, Masuuliyiintii Maxakamadaha, Xildhibaano, iyo haldoorkii reer Sool si naxariis daro ah ugu dilay Laascaanood. Arrintaasi runtii waxay ahayd weerarkii ugu xumaa ee lagu soo qaado Nabadgalyada Somaliland oo la rabay in Fidnada iyo nabadgalyo darrada Koonfuta Soomaaliya ka socota laga abuuro Somaliland. Qof nabad kuu diidayna waa qof nolol kuu diiday. Arintaasi runtii mid la dhayalsan karo maaha, in dalka laga abuuro fidno iyo fowdaada koonfur ka socota. Fidnadu way ka xuntahay dilka macnaha in la abuuro xaalad dagaal iyo dawlad la'aan iyo kala dambayn la'aan ah oo madaxdii dawlada nabadgalyada sugaysay la laayo runtii waa khatar wayn.

 

Caqligu wuxuu ina tusayaa oo iska cad in Maamulka Muqdisho ama Puntland dad soo adeegsatay u fuliya dilalkan qorshaysan waayo wax Gobolka Sool iyo deegaanada Somaliland midna lagu yaqiin maaha. Maamulka Farmaajo iyo Puntland waxaan leeyahay iska daaya ilmada Yaxaaska oo fidnada Joojiya kursi, magac, midnimo iyo dawladnimo midna ku helimaysaan laakiin waa khasaaro aakhiro iyo adduun ba ah.

 

Qaabka Xukuumada Soomaaliland u maaraysay arintan Dilalka ka socda Laascaanood ee ina Wasiirka Arimaha Gudaha iyo guddidii loo saaray xalka u arkeen waa talo iyo ficil foolxumo, xishood darro iyo naxariis darro ku jirto.  

 

Dhacdadani waxay muujisay dhowr qodob oo tayada Xukuumad Muuse Biixi hogaaminaayo ka Muuqata:

1. Dawladda Somaliland inay aad uga liidato Waaxda Baadhista Dambiyada (CID) iyo

booliska oo ayna lahayn aqoon iyo xirfad ku filan oo ay ku kala saarikaraan qofka dambiilaha ah iyo qofkaan waxba galabsan. Waayo dadkii ay ku tuhunsanaayeen inay dilalkii qorshaysnaa ee G/Sool ka dambeeyeen waabay mastaafuriyeen oo badbaadiyeen. Markay garoonka cidlada ah 700 ruux iskugu keeneen may dambi baadhaayaasha ku sii dhexdaayaan oo mid mid u waraystaan way heli lahaayeen haddii cid dhib gaysatay ku jirtee.

 

2. Waxay ku gafeen Shareecdad Islaamka iyo Dastuurka dalka waayo Nafna nafkale dambigeeda ma qaado ee haddii qof dilo 1000 ruux kaligii baa u qoolan dambigaas.

 

3. Ficilkan Wasiirka Arrimaha guduaha iyo Guddidii la shaqaynaysay sameeyeen waa Cusiriyad iyo takoor islaamnimada, dastuurka dalka iyo qawaaniinta caalamkaba ka baxsan.

 

Umada Reer Somaliland iyo Soomaaliya ba waxaan aad ugu waaninayaa dawladnimadu magac uyaal maaha, Waaxo ka kooban Baarlamaan, Fulin, Garsoor iyo boolis iyo milatary la dhiso maaha. Mana aha Dalkoo barwaaqo iyo horumar dhaqaale gaadha oo faqriga laga baxo. Intaas oo shicib midaysan leh dawlad wanaagsan oo tayo leh ama cadaalad ma keento.

 

Wax kaliyaa dawladda dawlad ka dhiga, umadana umad sharaf iyo karaamo iyo awood leh ka dhiga, horumarkana keena, xuquuqda shaqsikastana ilaaliya, waana Shuruucda dalka u taala ee lagu heshiiyay oo Diintu ugu sareeyso oo umadu go'aan adag ka qaadato ilaalinteeda iyo fulinteeda. Cid kasta oo jabisana uu qofku u arko xuquuqdiisii iyo dantiisii oo lagu xadgudbay. Qabyaalad iyo Siyaasiyiin Cilmaaniya caddaalad lagamo helo, cadaalada Dhabta ahna Kitaabka Alle oo kaliya laga helaa.

Umad Sharcigii Alle diiday oo wixii ay ku heshiiyeen fulin wayday xaalkeedu waa xadgudub, duli iyo darxumo maalin waliba joogta iyo hoog iyo halaag aakhiro.

 

Cadaalad darradu waxay kow ka dhalataa qof dambi geystay oo dulmi laga Galo isaga laftiisa kadib marka dariiqii sharciga loo Mari waayo xuquuqdiisana la dhawri waayo. Dadkaloo dambi ayna qabin Dusha laga saarana iska daa. Hadaad ogalaato in qof binu aadam ah la dulmiyo xaqiiqdii adigaa Raali kanoqday in lagu dulmiyo oo lagu xad gudbo taas ogow.

 

Cid kasta oo dhacdan ka dambaysay waa in maxakamad la horkeeno shaqadana laga eryo khaasatan wasiirka Arimaha gudaha ee Somaliland iyo gudiidii taladan foosha xun la timid. Ha noqonina dibigii Casaa ee ka madoow in la cuno ogalaaday kadib isaga la cunay.

 

Laamaha amniga iyo baadhista dambiyada waa in tababaro la siiyo oo aqoontooda sare loo qaado. Laamaha Booliska iyo amniga muhiim maaha inaad soo qabataan dambiilaha laakiin waxa aad muhiim u ah inaad ogaato cadowga ka dambeeya ee soo abaabulay.

 

Wa Billaahi Tawfiiq

 

Calikhadar Muuse Jaamac

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...