Macallinka: Xirfadda Iyo Aqoonta Looga Baahan Yahay

0
Sunday October 03, 2021 - 17:13:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 925
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macallinka: Xirfadda Iyo Aqoonta Looga Baahan Yahay

    W/Q: Cabdifataax Rashiid Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabdifataax Rashiid Maxamed

Macallinku waa qaabeeyaha mustaqbalka ummadda. Waa xuddunta waxbarashada qaranka. Waa barbaariyaha jiilka soo koraya. Waa soo saaraha hoggaamiyayaasha iyo hormuudka ummadda. Waa gudbiyaha diinta, dhaqanka iyo qiyamka ummadeed jiilasha soo koraya. Waa daahfuraha hibooyinka kala duwan ee ubadkeenna. Waa Warshadda xirfadlayaasha, farsamayaqaannada iyo aqoonyahannada buuxinaya baahiyaha iyo adeegyada ay bulshada. Ugu danbaynna, waa aqoonsidaha ummadda iyo abuuraha, hirgaliyaha iyo hilaadshaha horumarka umadda.



Macallinku si uu doorkiisa u qaato oo shaqada uu bulshada u hayo sidii loogu talagalay u qabto, waxa loo baahan yahay in uu yeesho aqoon, xirfad iyo habdhaqan dhammaystiran oo shaqadiisa uu ku gudan karo. Sidoo kale, macallinnimadu waxay ka mid tahay xirfadaha (professions) kala duwan ee lagu takhasuso, isla markaasna adeegyada kala duwan u qabta bulshada, sida dhakhaatiirta, injineerrada, i.w.m.


Haddaba iyada oo heerarka waxbarasho ee ay macallimiintu ka hawlgalaan ay kala duwan tahay; heer kasta oo waxbarashana u baahan yahay aqoon iyo xirfad u gaar ah taas oo ku xidhan da’da ardayda uu u dhigayo, nooca waxbarashada uu dhigayo, deegaanka iyo qaabka waxbarashadu u baxayso; haddana waxaa jirta dhinacyo kala duwan oo aqoon iyo xirfadba leh oo loo baahan yahay in macallinku si wanaagsan u barto, u weeleeyo ugaranayona. Dhinacyadaas waxa ka mid ah:


·       Cilmi nafsiga (Psychology): Cilmi nafsigu wuxuu macallinka barayaa sida maskaxda qofku u shaqayso, sida uu u dhaqmo, sida uu u fekero Iwm.

·       Waxbarashada (Education): Macallin kasta waa in uu aqoonta waxbarashada dhigto, si wanaagsana u yaqaan heerarka kala duwan ee waxbarashadu soo martay; xeerarka waxbarashada ee kala duwan, falsafadda waxbarashada, hababka kala duwan ee waxdhigista, Sida ardaygu wax u barto iyo guud ahaan gudbinta aqoonta, xirfadda iyo habdhaqanka.


·       Aqoonta Maadadda/Maaddooyinka uu dhigayo (Subject Knowledge): Waxaa muhiim ah iyaduna in macallinku si wanaagsan u garanayo maadada uu dhigayo, yaqaannana maadada in ka badan inta uu u dhigayo ardayga. Tusaale ahaan hadduu xisaab u dhigayo arday fasalka afaraad ee dugsiga sare waa in aqoonta uu xisaabta u leeyahay gaadhsiisan tahay heer jaamacadeed.


·       Cilmiga Bulshada (Sociology): Haddii cilmi nafsigu yahay barashada qofka, waxaa iyadana loo baahan yahay in macallinku cilmiga bulshadana aqoon wanaagsan u leeyahay. Cilmiga bulshadu wuxuu ka hadlaa sida dad meel wada dagani u dhaqmaan; u nool yihiin; u fekeraan; iwm. Tani waxay sahlaysaa in uu si wanaagsan u darsi karo bulshada uu macallinka ka dhex yahay iskuna dayi karo in uu bulsho ahaan u bedeli karo.


·       Luuqadda uu wax ku gudbinayo (Language of Instruction): macallinku waxaa muhiim ah in uu si wanaagsan u yaqaan luuqadda uu wax ku dhigayo. Tusaale ahaan sida dalka ka jirta haddii macallinku luuqadda uu wax ku dhigayo ay tahay ingiriisi, waa in uu aqoon wanaagsan u leeyahay. Haddii kale isaga oo wixii uu dhigayay garanaya ayaanu sidii la doonayay ugu gudbin karin ardaydii. Haddii aad jaamacadaha ama dugsiyada sare ee dalka wax ka dhigtay ama dhigatayba si fiican ayaad u dareemi kartaa dhibaatada macallinka & ardaygaba ka haysata luuqadda wax lagu dhiganayo.


·       Luuqaddiisa Hooyo, dhaqankiisa iyo diintiisa (Mother language; Culture and Religion): Culimada luuqaduhu waxay yidhaahdaan qofka luuqaddiisa si wanaagsan u garanaya ayaa luuqad kalena si wanaagsan u baran kara. Markaa waa muhiim in macallinka wax dhigayaa uu luuqaddiisa Hodan ku yahay. Sidoo kalena yaqaanno diinta islaamka ah iyo dhaqanka Somaliga labadaba maadaama oo waxbarashadeenna ay aasaasi u yihiin labadaasiba.


·       Kombiyuutarka iyo Tiknoolajiyadda casriga ah (ICT): Maadaama oo aynu ku jirno cahdigii Tiknoolajiyadda waxaa loo baahan yahay in macallinku aqoon u leeyahay kombiyuutarka iyo Tiknoolajiyadaha kala duwan ee muhiimka u ah mihnaddiisa macallinimo. Tani waxay muhiim sii noqonaysaa marka heerka waxbarasho sare u sii kacaba, tusaale ahaan macallimiinta jaamacadaha iyo dugsiyada sare waajib ayay ku noqonaysaa.


·       Waddaniyadda iyo Barashada Dawladnimada (Civic Education): Ujeedooyinka ugu muhiimsan ee waxbarashada waxaa ka mid ah in la soo saaro muwaadiniin dalkooda jecel; dawladnimadooda yaqaan; sarraynta sharciga iyo kala dambaynta ilaaliya, markaa macallinka ardaydaas wax u dhigayaa waa in uu waddaniyadda & barashada dawladnimada aqoon wanaagsan u leeyahay qofka ugu horreeya eek u dhaqmaana uu isaga noqdaa.


·        Han & Himilo: Macallinku waa in uu yeeshaa han iyo himilo sarraysa. Waa in uu ardaydiisa ku abuuraa hiigsi iyo dadaal keena in uu soo saaro hibada arday kasta ku jirta sida ugu wanaagsanna u qaabeeyaa mustaqbalka ardaydiisa iyo guud ahaan bulshadaba.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Cabdifataax Rashiid Maxamed

02/10/2020

Hargeysa, Somaliland.

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...