Sheekh Shaakirow! Sayidii Saaka ha lugugu baxsado!

0
Sunday October 03, 2021 - 09:57:51 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 843
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Shaakirow! Sayidii Saaka ha lugugu baxsado!

    Sayiddii waa ogahay wixii ay faleen Hassan Ali Khaire iyo Kooxdiisii maalinkoodii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sayiddii waa ogahay wixii ay faleen Hassan Ali Khaire iyo Kooxdiisii maalinkoodii



Sayiddii waa muriidigaagii muddada dheer kaa dhegeysan jiray Wacdiga iyo Waanada diineed, Waxa aan rejeynayaa in aad heli doonto farriintaan.

Haddii ay ku soo gaarto ama laguu sheego wax uun kasoo qaad,

Sayiddii waxa aan ka seexan waayey hooyadey oo sidii gulufku u billowday Saacad walba i weydiisa sida ay wax u socdaan, welwel ayaa ku dhacay sida hooyooyin badanba ay uga welwelayaan xaalka.

Sayiddii Galmudug maanta waa Dowlad-goboleed kamid ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed (Federal Member State) waa iiga ogaal badan tahay waxa yaal oo adiga ayaa ka ahaa mar Wasiir koowaad.

Meeshaas magac dowladeed ayaa yaal maalinba qof ayaa qabanaya! Shalay Cabdikariin Guuleed, Xaaf iyo adiga maantana waa Ahmed Abdi Kaarie.

Sayiddii waa ogahay wixii ay faleen Hassan Ali Khaire iyo Kooxdiisii maalinkoodii ayay ahayd sidii ay xal u arkayeen ayay ku dhaqaaqeen Qoorqoor oo ay garab iyo gaashaan siiyeenna ma gareysan oo gadoodkiinii siyaasadeed ma garwaaqsan! Waa Nin dad ka yaqaan Mohamed Abdullahi Farmaajo dalka ka yaqaan Villa Somalia.

Maanta waa maalintaadii adiga oo xaq kaa maqan raadinaya xuquuqda dad badan oo Galmudug dowlad-goboleed u tahay ha burburin.

Waxa aad kamid ahayd Culimadii ugu horreeyey ee aan ka maqlay haddii hubka laba qof oo Muslim ah kulmo ay dagaalamaan kan la dilay iyo kan wax dikayba waa Ahlu Naareed maantana waa sidii oo Malaha wax lagu jihaadaa ma joogaan.

Sayiddii Jooji colka! Cagta u dhig dagaalka Gorgortanka siyaasadda gal, dadka kasoo jeeda DG oo Qabaa’ilka Soomaaliyeed in yar ka maqan tahay sida ay ku dhisteen lagama sheekeyn karo!

Sayiddii Saaka ha lagugu baxsado!

Siyaasadda iyo damaca xukunka hab aad u mari karto oo sahlan ayaa jira! Intii ay ku hoggaamin lahaayeen labadaasi hubi meesha ay kuu wadaan!



W/Q/ Ahmed Isse Gutale

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...