Wax Ka Ogow Xanuunka Hawl-gabka Wadnaha(Heart Failure).

0
Saturday October 02, 2021 - 13:01:49 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1464
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Ka Ogow Xanuunka Hawl-gabka Wadnaha(Heart Failure).

    Daawaynta xanuunkani waxay ku xidhan tahay kolba wixii keenay xanuunka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daawaynta xanuunkani waxay ku xidhan tahay kolba wixii keenay xanuunka

 


Hawlgabka wadnuhu wuxuu dhacaa goortii uu wadnuhu awoodi waayo inuu dhiiga si fiican u gaadhsiiyo qaybaha kala duwan ee jidhka,

Wadnaha oo hawlgab noqday macnaheedu maaha inuu wadnuhu joojiyay shaqadiisa.

Wuxuu ku dhaci karaa Da' kasta balse wuxuu ku badan yahay dadka waawayn.

Calaamada lagu yaqaano hawlgabka wadnaha waxaa ka mid ah:-

1. Neeftuur ama Xiiq uu dareemo qofku goortii uu socdo.

2. Barar Jidhka ah gaar ahaan lugaha

3. Daal Badan.

4. Wadne garaac.

Waxyaabaha keeni kara waxaa inuu wadnuhu hawlgab noqdo waxaa ka mid ah :-

1. Xididadda wadnaha oo xidhma

2. Dhiigkar Wakhti dheer soo jiray

3. Fiilooyinka(Valves) wadnaha oo Xanuun ku dhaco.

4. Ekfashan(Infection).

5. Mararka qaarkood lama yaqaan waxa keenay (Idiopathic).

Daawaynta xanuunkani waxay ku xidhan tahay kolba wixii keenay xanuunka iyo saamaynta uu gaystay intay leeg tahay.

.

DrAbdourahman Abdourashid


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...