Maxey wajiyada u qarsadeen Ergooyinka dooraneysa Xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland?

0
Thursday September 30, 2021 - 10:25:09 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxey wajiyada u qarsadeen Ergooyinka dooraneysa Xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland?

    Dad kale waxey ku micneeyeen in ay jirto cabsi ku aadan in ergada marka ay wax doortaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad kale waxey ku micneeyeen in ay jirto cabsi ku aadan in ergada marka ay wax doortaan


Baraha bulshada waxaa qabsatay daqiiqadihii la soo dhaafay sawirrada qaar kamid ah ergada Somalialnd ee soo dooraneysa Xildhibaanada Aqalka sare ku metelaya gobolada Waqooyi baarlamaanka Soomaaliya.

Arrimaha la yaabka leh ayaa ah in la arkay sawirrada shaqsiyaad kamida kuwa codeynaya oo soo xirtay dhowr Af-Saab Face-Mask, kaasoo daboolay inta badan wajiga ilaa madaxa.

 

Fasiraado kala duwan ayaa laga bixinayaa arrintan, dadka qaarkii waxey qabaan cabsi ku aadan in goobta ay joogaan ergo aanu kasoo jeedin Somalialnd, sidaasna loo qariyay wajiyadooda si aan loo aqoonsan.

Dad kale waxey ku micneeyeen in ay jirto cabsi ku aadan in ergada marka ay wax doortaan kadib ay doonayaan in ay dib ugu laabtaan deegaanada Somaliland ayna jirto walaac ku aadan in hadii lagu arko ka shaqeynta arrimaha doorashada Soomaaliya xabsiga loo taxaabo, Somaliland hore waxey u sheegtay ineysan wax shaqa ah ku leheyn doorashadan.

 

Waxaa jirta dad yar oo iyana qaba dood labadaasi kaduwan oo ah in ay jiri karaan cabsi dhinaca amaanka ah oo laga cabsanayo in Al Shabaab ergadan beegsadaan hadii wajiyadooda la aqoonsado.

May be an image of 2 people and people standing

 

May be an image of 1 person and standing

May be an image of 1 person and text




Loading...
Loading...