Ex. Madaxwayne Siilaanyo Oo Tacsi Udiray Ehelkii Uu Ka Baxay Marxuun Maxamed Arabay
Madaxweynahii hore Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Qoyskiisa, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qoyskii, Qaraabadii, Waayeelka, Waxgaradka, shacabka Somaliland, & Ummada Islaamka ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Arabey oo xalay 25/09/2021, ku geeryooday caasimada Somaliland ee Hargeysa, maantana lagu aasay Xabaalaha Baqiic.
Md Axmed Siilanyo ayaa marxuumka Maxamed Arabay ku sifeeyey Waxgarad ku sifoobay nabada, door muhiimana ka soo qaatay, nabadayntii iyo dib u dhiskii waddanka.
Waxaanu marxuumka Ilaahay SW uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Waxgaradka, Waayeelka, Shacabka Somaliland & Ummada Islaamka ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo, aamiin…aamiin….
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!