Golaha Guurtida Oo Gudi Wacyigelina Usaaray Xanuunka Covid-19
"Sidoo kale mudanayaasha Golaha Guurtida ayaa saaka waxaa loo qaybiyay xeerka Aasaaska hay'adda"
Hargaysa (HWN) Golaha
Guuritada Somaliland ayaa Gudi usaaray Wacyigelinta xanuunka Covid-19 oo
mawjadii Saddexaad ay hada ku dhufatay Somaliland.
Gudida uu Guddoomiyaha golaha guurtidda Somaliland mudane Saleeban Maxamuud Aadan usaaray xanuunkan ayaa Bulshada ka wacyigelin Doonta khatarta xannuunka Covid-19.
Sidoo kale mudanayaasha Golaha Guurtida ayaa saaka waxaa loo qaybiyay xeerka Aasaaska hay'adda shaqaalaha dawladda iyo maamulka shaqaalaha dawlada oo dhawaan ka soo gudbay Golaha wakiillada si Goluhu waajibaadkiisa uga guto.
Fadhigan ayaa sidoo kale mudanayaasha golaha guurtida waxay warbixin kaga dhagaysteen gudoomiyaha guddida arrimaha bulshada ee golaha oo ka warbixiyay xaalada xanuunka Covid-19 iyo halka ay marayaa biya balaadhinta Hargeysa.
Loading...
Loading...